Juventus oo soo saartay liiska xidigaha ay habeen dambe ku wajaheyso As Monaco – yaa ka maqan?

Juventus oo soo saartay liiska xidigaha ay habeen dambe ku wajaheyso As Monaco – yaa ka maqan?

daajis.com:- Tababare Massimiliano Allegri ayaa soo xushay liiska xidigaha uu ku wajahi doono As Monaco kulanka habeen dambe ee lugta labaad wareega semi final-ka Champions League.

Liiska wax layaab ah ma lahan madama uu macalinka reer talyaani soo xushay dhamaan xidigahii u bad qabay, waxaana liiskaan ka maqan Marko Pjaca iyo Daniele Rugani kuwaas oo dhaawacyo qaba.

Daafaca reer talyaani waxaa la sheegay inuusan soo caafimaadi karin tan iyo dhamaadka xili ciyaareedkaan.

Bianconerri waa kooxda ugu cad-cad labada kooxood iney gaarto finalka tartankaan ee 3-da June lagu qaban doono Cardiff.
LIISKA OO DHAMEYSTIRAN:

Buffon, Neto, Audero; Chiellini, Benatia, Alex Sandro, Mattiello, Barzagli, Bonucci, Alves, Lichtsteiner; Pjanic, Khedira, Marchisio, Lemina, Asamoah, Sturaro, Rincon; Cuadrado, Higuain, Mandzukic, Dybala

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada