Morooko: Sheekh ku baaqay in ragga iyo dumarka dhaxalka loo simo

Morooko: Sheekh ku baaqay in ragga iyo dumarka dhaxalka loo simo

daajis.com:-Cabdelwahaab Al-Rafiiqi, oo ah sheekh u dhashay dalka Morooko, ayaa ku baaqay in ragga iyo dumarka loo simo dhaxalka "si ay bulshadu u horumarto oo ay ula jaan qaaddo is bedellada dhacaya" waa sida uu hadalka u dhigaye.

Al-Rafiiqi oo ku magac dheer Abu Xafsa ayaa wuxu yidhi " waxa la gaadhay xilligii ku haboonaa ee xaaladda jirta wax laga bedeli lahaa", sidaana waxa ka soo xigatay wakaaladda wararka Faransiiska.

Hadalkan sheekha ka soo baxay wuxu dhalin doonaa dood ballaadhan oo ka curata dalka Morooko, maadaama oo ay jiraan aayado Quraan ah oo si cad u tibaaxaya in haweenaydu dhaxalka ku leedahay kala badhka inta uu ku leeyahay ninku marka ay dhaxlayaan hanti uu ka tagey qofka ugu xigaa.

Al-Rafiiqi waxa kale oo uu ka qayb galay barnaamij uu baahiyo Channel-ka M3 waxaanu ku dooday in doorkii haweenka iyo ragguba is bedelay tan iyo bilawgii Islaamka, sidaa daraadeedna uu isagu qabo in haatan la gaadhay "goortii arintan dhaxalka laga doodi lahaa".

Hadalkan Al-Rafiiqi waxa aad u soo dhaweeyey warbaahinta Liberal-ka ah waxase iyaguna aad u dhaleeceeyey wadaado badan oo ay saaxiibo yihiin oo ay berina xabsiga ku wada jireen.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:19 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada