MUUQAAL: Madaxwayne Farmaajo oo Ka Hadlay Shirkii London, Maamulada dalka, Shabaab iyo Shacabka (Waraysi)

MUUQAAL: Madaxwayne Farmaajo oo Ka Hadlay Shirkii London, Maamulada dalka, Shabaab iyo Shacabka (Waraysi)

daajis.com:- Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo Waraysi kooban siiyey Telefishinka Universal ayaa wuxuu si wayn uga hadlay Shirka Caalamiga ah ee Arimaha Soomaaliya Looga Hadlay Kana Qabsoomay magaalada London ee Dalka UK.


Madaxwaynahaa ayaa wuxuu sheegay inuu Caalamku diyaar u yahay sidii uu wax ula qaban lahaa Soomaaliya, Balse dadka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay Qorshaha la yimaadaan, Wuxuuna sheegay in la isku diyaariyo Difaaca dalka iyo Sidii Ciidanka Soomaaliya ay dalka ugala Wareegi lahaayeen Ciidanka AMISOM maadaama la gaadhay Xiligii ay Balan qaadeen.

Mar uu ka hadlay Ururka Al-shabaab ayaa wuxuu ka codsaday inay Joojiyaan Dhibaatada ay ku Hayaan Shacabka, Wuxuuna sheegay inay Shaqooyin iyo waxbarasho u samayn doonaan, Hadii ay soo Laabtaan.

Ugu danbayntii ayaa wuxuu kahadlay  Xidhidhka uu la yeelan doono Shacabka Soomaaliyeed iyo Arinta Maamul Goboleedyada Soomaaliya.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:51 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada