Pep Guardiola oo siinaya lacag + Weeraryahan Borussia Dortmund si uu kaga helo Dantiisa

Pep Guardiola oo siinaya lacag + Weeraryahan Borussia Dortmund si uu kaga helo Dantiisa

daajis.com:- Pep Guardiola ayaa diyaar u ah inuu xoojiyo weerarkiisa xili ciyaareedka dambe, sidaa darteed waxa uu u baahan yahay weeraryahan cusub.

Kelechi Iheanacho ayaa u dhaqaaqi doonaa kooxda Borussia Dortmund si uu kaga mid noqdo heshiiska Pierre-Emerick Aubameyang ay ku dooneyso Manchester City.

Xiddiga caalamiga ah ee dalka Gabon ayaa bartilmaameed sarre waxa uu u yahay kooxda Manchester City iyagoo doonaya in ay kusoo qaataan lacag lagu daray Kelechi Iheanacho.

Sida laga soo xigtay allnigeriasoccer.com, kooxda Citizens ayaa waxaa ka go,an in ay lasoo wareegto 27-sano jirkaan iyadoo isticmaaleysa Iheanacho.

kooxda Thomas Tuchel ayaa £ 60 milyan ku doonaysa weeraryahanka haddii uu ka tagayo kooxda, wada hadalada bilowga ah ee u dhexeeya labada kooxood ayaa la sheegay inuu ka qeyb yahay Kelechi Iheanacho.

Kooxaha Bayer Leverkusen iyo Hoffenheim ayaa sidoo kale isha ku haya weeraryahanka heerka caalami ee dalka Nigeria, kaasoo shan gool dhaliyay sideed kulan oo uu u saftay kooxdiisa xili ciyaareedkaan.

20-sano jirkaan ayaa xilli ciyaareedkii hore waxaa fursad fiican siiyay macalin Manuel Pellegrini, markaasoo uu dhaliyay 14 gool tartamada oo dhan, inkastoo xilli ciyaareedkan kursiga keydka uu la saxiib noqday.
Waxa uu ka dambeeya doorashada weerarka Manchester City Sergio Aguero, Gabriel Jesus iyo Nolito oo uu soo qaatay tababarihii hore ee Barcelona.

Aubameyang ayaa dhanka kale qaab ciyaareed wacan kujira, waxaana kooxdiisa uu ka caawiyay in ay gaarto finalka DFB-Pokal.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada