Daawo Video: Ciidamada Gaashaan oo saaka soo gaba gabeeyay Howlgalkii Pizza House iyo Posh Treats

Daawo Video: Ciidamada Gaashaan oo saaka soo gaba gabeeyay Howlgalkii Pizza House iyo Posh Treats

daajis.com:- Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Gaashaan ayaa goor dhow oo saaka ah soo gaba gabeeyay howl galkii ka socday Maqaayadda Pizza House, kaddib howl gal qaatay saacado oo tan iyo xalay ka socday gudaha Maqaayadda.

Qarax xooggan oo xalay fiidkii ka dhacay nawaaxiga labada maqaayad ee Posh Treats iyo Pizza House ayaa geystay khasaare aad u fara badan, iyadoo markii dambena ay gudaha maqaayadda Pizza House galeen dabley hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab.


Dableyda hubeysan iyo ciidamada ammaanka ayaa muddo saacado ah ku dagaalamayay gudaha maqaayadda, isla markaana howl galka inuu dheeraado sababay maqaayadda oo aheyd mid mugdi ah, kooxdii gudaha u gashayna ay ku dhuumaaleysanayeen.

Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka ayaa sheegay in la toogtay dhamaan raggii gudaha u galay, isla markaana xaalada ay iminka gacanta ku hayaan ciidamada ammaanka.

Illaa 18 ruux ayaa ku dhintay weerarkii xalay lagu qaaday labada Maqaayad ee Posh Treats iyo Pizza House, halka 20 kalena ay ku dhaawacmeen.

Maqaayadda Pizza House ayaa waxaa saaka laga soo saaray meydadka lix gabdhood oo labo ka mid ah ay isla dhasheen, kuwaasoo xalay lagu dilay gudaha Maqaayadda.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka, waxaana qoraal ka soo baxay oo laga aqriyay idaacada afkooda ku hadasha lagu sheegay inay weerareen Maqaayadda Posh Treats oo aheyd maqaayad lagu caweeyo oo ay ka shaqeeyan shaqaale ajnabi.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada