MUUQAAL DHAMAYSTIRAN: Meydad laga soo saaray Maqaayadda Pizza, iyo khasaaraha weerarkii xalay oo kordhay

MUUQAAL DHAMAYSTIRAN: Meydad laga soo saaray Maqaayadda Pizza, iyo khasaaraha weerarkii xalay oo kordhay

daajis.com:- Meydad hor leh ayaa saaka laga soo saaray Maqaayadda Pizza House oo xalay ay weerareen dabley hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab Iyadoo ay sii Kordhayaan Khasaaraha ka dashahay oo ku dhow 20 Ruux marka lagu daro Dableydkii weerarkii soo qaaday.

Meydadka illaa lix gabdhood ah oo afar ka mid ah ay wada dhasheen la sheegay in saddex ka mid ah ay dhinteen, halka mid kale oo dhaawac ah laga soo saaray qol ay ku jireen oo dableyda hubeysan ay bam ku tuureen xilli ay ku dhuumaaleysanayeen, Sidoo kale meydka nin Suuriyaan ah oo ka shaqeynayay maqaayadda ayaa isna lagu arkay qeybta Kushiinka ee maqaayadda.

Saraakiisha laamaha ammaanka ayaa sheegay inay dileen shan ka mid ah dableydii hubeysneyd ee weerarka ku qaaday maqaayadda, Waxaa kaloo ku dhintay saddex ka mid ah ciidamada ammaanka ee ka qeyb qaadanayay howl galka ka socday maqaayada.


Ilo dhinaca ammaanka ayaa xaqiijinaya in dableydii weerartay ay qaldeen bartilmaameedka weerarkooda oo markii hore ahaa Maqaayadda Posh Treats oo ah maqaayad lagu caweeyo, hase ahaatee markii uu qaraxa dhacay ayaa waxay gudaha u galeen maqaayad ka soo horjeeday oo lagu magacaabo Pizza House oo ah meel ay dhalinyarada u dalxiis tagaan, isla markaana la isku sawiro goobo aad u qurux badan oo ay leedahay maqaayadda.

Qaraxa is miidaaminta ee lala beegsaday labada maqaayadood ee iska soo horjeeday ayaa isku mid waxaa uu u soo gaaray khasaare aad u xooggan, waxaana dhismayaasha labada maqaayadood ka muuqday bur bur aad u xooggan.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:50 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada