Tababare Wenger “Waxyaabaha aan ka qoomameeyo waxaa ka mid ah inaan soo iibsan Carrick intuu ciyaartoyga ahaa”

Tababare Wenger “Waxyaabaha aan ka qoomameeyo waxaa ka mid ah inaan soo iibsan Carrick intuu ciyaartoyga ahaa”

daajis.com:- Tababaraha kooxda Arsenal ee Arsene Wenger ayaa mar uu la hadlayay Bogga Internet-ka ee www.arsenal.com waxa uu u hambalyeeyay laacibka Khadka dhexe ee kooxda Manchester United Michael Carrick oo galabta loo sameeyay kulan sagootin ah kaddib 11 sanadood oo uu ka ciyaarayay Old Trafford.

“Waxaan hambalyo diirran oo ku aaddan kulankiisa sagootinta ah u dirayaa Carrick, waxaan filayaa inuu u qalmo” ayuu yiri Wenger oo intaa raaciyay;

“Waxaan dhihi karaa shaqsiyan in aan xiiseeyo ciyaarihiisa iyo tayadiisa, waxyaabaha aan ka qoomameeyo waxaa ka mid ah la soo wareegin Carrick intii uu ciyaartoyga ahaa, waxaan aaminsanahay inuu ka mid yahay kuwii ugu wanaagsanaa ee soo maray kubadda cagta Ingiriiska”.

“Aad baan u xiiseeyaa Carrick, waxaana u rajaynayaa waxaana mustaqbalka u rajaynayaa guul” ayuu ku soo geba-gebeeyay Wenger.

Carrick oo 35 sano jir ah ayaa 459 kulan u dheelay Manchester United, halka 34 kulanna uu u saftay xulka Ingiriiska.

Dhinaca kale ciyaar sagootin ah oo galabta Old Trafford loogu sameeyay Carrick ayaa waxaa isaga hor yimid Manchester United dufcaddii 2008 iyo xiddigo caalamka laga soo xulay, waxaana kulankaasi uu ku dhammaaday 2-2.

Carrick ayaase gool qurux badan ka dhaliyay kulankiisii sagootinta ahaa kaas oo uu ka soo laaday 25 yaardi.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:34 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada