Wargeysyada Yurub iyo wararkii ugu dambeeyey ee ay ka qoreen suuqa kala iibsiga ciyaartoyda saakay oo Arbaco ah

Wargeysyada Yurub iyo wararkii ugu dambeeyey ee ay ka qoreen suuqa kala iibsiga ciyaartoyda saakay oo Arbaco ah

daajis.com:- Manchester United ayaa xiiso dhab ah u qabta weeraryahanka kooxda Borussia Dortmund Pierre-Emerick Aubameyang, 27 sanno jirkaan ayaa 31 gool ka dhaliyey horyaalka Bundesliga xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay. (Daily Star).

Romelu Lukaku ayaa qarka u saaran inuu dib ugu soo laabto kooxda Chelsea ka dib markii uu heshiis shaqsi ah la gaaray seddax sanno ka dib markii ay iska iibisay 24 sanno jirkaan, balse Blues ayaa ku qasban inay 100 milyan oo ginni siiso kooxda Everton. (Daily Express).

Maamulka kooxda Arsenal ayaa ku amray tababare Arsene Wenger inuu si degdeg ah u sameeyo seddax saxiix xagaagaan, waana gooldhaliyaha Lyon Alexandre Lacazette, garabka Leicester City Riyad Mahrez iyo garabka AS Monaco Thomas Lemar.

Barcelona ayaa dejisay qorshe ay kusoo heleyso daafaca dambeedka midig ee naadiga Arsenal Hector Bellerin, oo 22 sanno jir ah, waxaana ay kusoo iibsan doontaa 45 milyan oo ginni, heshiiskaas ayaana la filayaa inuu meelmaro ka hor dhammaadka bishaan June. (The Independent).

Chelsea ayaa ka fikireysa inay sameyso isku day kale oo ay kula soo saxiixaneyso daafaca dambeedka dhexe ee kooxda Juventus Leonardo Bonucci, oo 30 sanno jir ah, ka dib markii ay ku guuldarreysatay saxiixa 25 sanno jirka daafaca uga ciyaara xulka Holland iyo kooxda Southampton Virgil van Dijk. (London Evening Standard).

Kooxaha Manchester City, Liverpool iyo Chelsea ayaa dhammaantood xiiso u qaba saxiixa daafaca dambeedka bidix ee kooxda Southampton Ryan Bertrand, oo 27 sanno jir ah. (Daily Mirror).

Man City ayaa dooneysa inay lasoo saxiixato afar daafac oo garbaha ka ciyaarta xagaagaan, waxaana haatan liiska ugu jira ninka reer England Bertrand, daafaca dambeedka midi gee Tottenham Kyle Walker, oo 27 sanno jir ah, iyo daafaca dambeedka bidix ee kooxda AS Monaco Benjamin Mendy, oo 22 sanno jir ah. (Goal).

Real Madrid ayaa waxay diiraddeeda suuqa kala iibsiga isugu geysay qaabkii ay kooxaha ka ciyaara horyaalka England Premier League ugu garaaci laheyd saxiixa 18 sanno jirka weerarka uga ciyaara kooxda Monaco Kylian Mbappe. (The Independent).

Ku guuleysteyaasha koobka UEFA Champions League ayaana dalab 118 milyan oo ginni ah ka gudbiyey gooldhaliyaha dhallinyarada ah ee reer France Mbappe, iyadoo Manchester United ay dalab 113 mlyan oo ginni ah ka gudbisay xiddigaan, halka Manchester City ay ku dalbatay 105 milyan oo ginni. (AS).

Tababaraha kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaase ugu baaqay xiddiga usoo baxay kooxda Monaco inuu ku biiro koox u ballan qaadi karta boos joogto ah oo uu ka ciyaarayo Isbuuc kasta. (BeInSport & Daily Mail).

Liverpool ayaa dooneysa inay bixiso qiimo lacageedka 52da milyan oo ginni ah ee ay Real Madrid ku dooneyso kubadsameeyaha reer Colombia James Rodriguez, si ay 25 sanno jirkaan u keento Anfield Road xagaagaan. (Don Balon & Daily Express).

Hase yeeshee, kooxda Reds ayaa lagu soo waramayaa inay iska diiday inay bixiso qiimo lacageedka ay AS Roma duldhigtay madaxa 24 sanno jirka garabka ka ciyaara ee u dhashay dalka Masar Mohamed Salah. (Liverpool Echo).

Kooxda usoo dallacday horyaalka EPL ee Brighton ayaa meesha ka saartay xiisaheedii ay u qabtay kabtankii hore ee Chelsea John Terry ka dib markii uu 36 sanno jirkaani xujo uga dhigay inay Isbuuc kasta mushaar ahaan u siiyaan 100 kun oo ginni. (London Evening Standard).

Tababaraha Manchester United Jose Mourinho ayaan ku lug yeelan doonin wadahadallada ay kooxdiisa Man United la geleyso xiddigaha ay dooneyso inay lasoo saxiixato xagaagaan, tababaraha reer Portugal ayaana sheegay inuu qaati ka taagan yahay siyaasadda Red Devils. (VLT & Manchester Evening News).
Manchester United ayaa rajo weyn ka leh inay dhammeystirto saxiixa 28 sanno jirka reer Croatia Ivan Perisic ka dib markii ay Inter Milan si aad ah hoos ugu dhigtay qiimihiisa, maadaama uu saaran yahay cadaadis la xiriira inay hesho 26 milyan oo ginni inta aan la gaarin 30ka bishaan June si ay uga badbaado in lagu ciqaabo xeerka dhaqaale wanaaga kubadda cagta Yurub ee Financial Fair Play Regulations. (La Gazzetta dello Sport & The Metro)

Tababaraha kooxda Everton Ronald Koeman ayaa waxaa loo ogolaan doonaa inuu suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ku qarash gareeyo lacag rikoor u noqon doonta taariikhda kooxdiisa xagaagaan, wuxuuna ninka reer Hollnad iibin doonaa xiddigo mushaar badan ka qaata kooxdiisa. (Liverpool Echo).

19 sanno jirka weerarka uga ciyaara kooxda Chelsea Tammy Abraham, ayaa wuxuu qarka u saaran yahay inuu heshiis hal xilli ciyaareed oo amaah ah kula biiro Newcastle United. (The Sun).

Weeraryahanka reer Italy ee beeca xorta ah lagu heli karo Mario Balotelli ayaa wuxuu xilli ciyaareedka soo aadan noqon doonaa xiddig kooxda Borussia Dortmund ah, sida uu daaha ka qaaday wakiilka 26 sanno jirkaan. (Goal).

Manchester City ayaa qorshe ay dib ugu soo iibsan karto ku dartay heshiiska uu 20 sanno jirka Enes Unal kula biiray kooxda Villarreal, maadaama ay aaminsan tahay inuu xiddigaani mustaqbal wanaagsan ku leeyahay kubadda cagta. (BeInSport & Manchester Evening News).

Barcelona ayaa waxay rajeyneysaa inuu weeraryahankeeda reer Brazil Neymar, oo 25 sanno jir ah, uu helo baasaboorka dalka Spain si kooxda uu ugu bannaanaado boos ay ku buuxiso xiddig kale oo ay kala soo saxiixaneyso dal aan ku jirin Midowga Yurub ama European Union. (Daily Mirror).

Ugu dambeyntiina, halyeeyga kooxda AS Roma Francesco Totti, oo 40 sanno jir ah, ayaa waxaa heshiis tijaabo ah usoo bandhigtay kooxda Pescara ee ka ciyaarta horyaalka heerka labaad ee dalka Talyaaniga Serie B. (Radio Due & The Sun).

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada