MUUQAAL: Buuq iyo Dood ka dhacday Xarunta Baarlamaanka & Wasiir Xoosh oo in la Eryo Cod loo qaaday

MUUQAAL: Buuq iyo Dood ka dhacday Xarunta Baarlamaanka & Wasiir Xoosh oo in la Eryo Cod loo qaaday

daajis.com:-   Fadhigii Xildhibaanada golaha shacabka ee maanta ayaa waxaa hareeyay buuq ka dhashay Wasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil oo cudur daar u soo gudbiyay Guddoonka, kaasoo uu ku dalbanayo in mudada uu ku hor imaanayo Golaha looga dhigo 11 Agosto, iyadoo Xildhibaanada ay maanta ka sugayaan inuu hor yimaado, kaddib markii todobaadkii hore loo yeeray.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa ka hor-yimid warqada codsiga ee ka timid Wasiir Xoosh, iyagoo ku baaqay in dib u eegis lagu sameeyo xilkiisa, kaddib markii ay ku eedeeyeen inuu ka dhega adeegay u yeeristii Xildhibaanada,

Guddoonka Baarlamaanka ayaa soo jeediyay in cod la geliyo codsiga Wasiirka ah, waxaana cod qarsoodi ah oo loo qaaday waxaa ogolaatay 85 Xildhibaan in dib u eegis lagu sameeyo xilkiisa, halka 77 Xildhibaan ay diideen.


Intii lagu dhawaaqayay natiijada codka ayaa waxaa ka dhashay kulanka buuq iyo Xildhibaano dhex martay inay is tuuraan, kaddib markii Guddoomiye Jawaari uu mid ka mid ah Xildhibaanada ka dafay warqadii ay ku qorneyd natiijada, taasoo keentay in Xildhibaano kale ay kala tuuraan.

Guddiyada Joogtada Baarlamaanka ayaa markii dambe loo xil saaray inay go’aan ka soo gaaraan in dib u eegis lagu sameyn doono xilka Wasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil iyo in loo ogolaado mudada uu dalbaday ee 11 -ka Agosto ah, hadii Guddiga isku raacaan in Wasiirka xilkiisa dib u eegis lagu sameeyo, waxaa loo qaadi doonaa codka kalsoonida

Qodobka 69aad ee Dastuurka ayaa awood u siinaya Golaha shacabka in codka kalsoonida kala noqdaan Xubin Wasiir ah oo ka tirsan Xukuumadda.

Wasiir Xoosh ayaa lagu heystaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka, kaasoo uu ku naqdiyay go’aankii Baarlamaanka, isagoo ku sheegay in Baarlamaanka aanu awood u laheyn inay jebiyaan go’aan ay gaartay Maxkamadda sare.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:46 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada