Wasiir xil sare ka haya Turkiga oo sabab yaab leh loogu diiday inuu galo dalka Austria

Wasiir xil sare ka haya Turkiga oo sabab yaab leh loogu diiday inuu galo dalka Austria

daajis.com:- Dowlada Austria ayaa shaaca ka qaaday in dalkeeda ay ka mamnuucday Xubin ka tirsan Golaha Wasiirada dowlada Turkiga.

War qoraala oo kasoo baxay Wasaarada arrimaha dibadda Austria ayaa waxaa dalka looga mamnuucay Wasiirka dhaqaalaha Turkiga Mr Nihat Zeybekci.

Wasiir Nihat Zeybekci, ayaa amarkaasi la duldhigay kadib markii dowlada Austria ay ka warheshay in Wasiirka uu kusoo fool leeyahay dalkeeda.

Wasiirka ayaa la sheegay inuu doonaayo in dalka Austria uu uga qeybgalo dibadbax lagu xusayo sanadguuradii koowaad ee kasoo wareegtay afgambigii dhicisoobay ee dalkaas.

Thomas Schnoell oo ah Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibedda Austria, ayaa sheegay in go’aanka lagu mamnuucay Safarka Wasiirka dhaqaalaha Turkiga uu yahay mid kasoo baxay Xafiiska Wasiirka arrimaha dibedda dalkaas Sebastian Kurz.

Waxa uu sheegay in dibadbax uu ka qeyb galo Nihat Zeybekci oo ah wasiirka dhaqaalaha Turkiga ay halis gelin karto amniga iyo kala dambeynta Austria.
Sidoo kale, Dowladda Austria ayaa horay u dhaliishay sida ay dowlada Turkiga u fulineyso howlgalada ka dhanka ah Kooxaha mucaaradka ku ah wixii ka dambeeyey afgambiga.

Dhinaca kale, Austria oo ay xiisad Siyaasadeed kala dhexeyso dowlada Turkiga ayaa horay usoo jeedisay in Turkiga la hakiyo wadahadallad uu doonayo inuu kaga mid noqdo Midowga Yurub.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada