Daawo: Thaabit oo ku guuleystay inuu furo waddooyinkii ilaa saakay u xirnaa banaan baxayaasha…

Daawo: Thaabit oo ku guuleystay inuu furo waddooyinkii ilaa saakay u xirnaa banaan baxayaasha…

daajis.com:- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed ayaa ugu dambeyntii soo gaaray jidadka ay ilaa saakay ka socdeen banaabaxyadii cuslaa ee watay rabshadaha.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa waddooyinka kula hadlay kumanaankii qof ee maanta xirtay jidadka ugu muhiimsan Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha ayaa u sheegay in la xallin doono dhibaatada ay qabaan sidoo kalana wuxuu u ballan qaaday in loo furi doono dhammaan jidadka Xiran.

Guddoomiye Thaabit ayaa cod baahiye kula hadlay wadayaashii bajaajyada ee u xirneyd jidka Makka Al-Mukarama, wuxuuna ka codsaday inay joojiyaan rabshadaha, wuxuuna u ballan qaaday inuu xallin doono dhibaatada ay tabanayaan iyo wax kasta oo ay ku qanacsan yihiin.

Ugu dambeyntii guddoomiyaha ayaa ku guuleystay in la furo jidadkii ay xireyn banaanbaxayaasha, waxaana loo ogolaaday inay Maraan jidadkii loo diiday markii hore ee keenay inay sameeyeen banaanbax rabshado wato.

Laga soo bilaabo saakay Magaalada Muqdisho ayaa ku jirtay banaanbax watay Rabshado oo keenay dhaawac iyo dhimasho kadib markii is rasaaseyn ka dhacday meelo kala duwan oo ka tirsan Magaalada Muqdisho.

Banaanbaxayaasha Mootooyinka Bajaajta ayaa dhagxaan ku tuuraayay gaadiidka ciidanka oo xittaa waxa ay dhagaxyo ku tuureen gaadiid ay wateen ciidamada Amisom oo wadada maraayay.

Banaanbaxan ay dhigeen wadayaasha Mootooyinka Bajaajta, ayaa salka wuxuu ku hayaa in loo diiday inay ka soo gudbaan wadada wadnaha ee Magaalada Muqdisho, horayna waxaa looga xiray wadooyinkii Jidcadyaasha ahaa ee xaafadaha Muqdisho dhexmari jiray.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada