DAAWO VIDEO: Madaxweyne Farmaajo oo bixiyay dalacaadii ugu horeysay ee Darajo Ciidan iyo Halyeeyga la siiyey

DAAWO VIDEO: Madaxweyne Farmaajo oo bixiyay dalacaadii ugu horeysay ee Darajo Ciidan iyo Halyeeyga la siiyey

daajis.com:-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi farmaajo ayaa markii u horeeyay hal darajo dalacsiiyay Sarkaal ka tirsan Booliska, kaddib markii uu maanta kormeer ku tagay Xarunta Wasaaradda Warfaafinta.


Kormeerka Madaxweynaha oo ahaa mid kedis ah ayaa waxaa ugu kuur galayay howlaha shaqo iyo xarumaha Idaacada iyo Telefishinka Qaranka ee ku hadla afka dowladda.



Intii Madaxweynuhu ku guda jiray kormeerkiisa ayaa waxaa uu Hal darajo dalacsiiyay Madaxa Keydka Raadiyo Muqdisho G/dhexe Abshir Xaashi Cali, kaasoo gacanta ku hayay keydka Raadiyaha tan iyo bur burkii dowladdii dhexe.

Madaxweynaha ayaa ku ammaanay sarkaalkan sida uu u xafiday keydka Raadiyaha dowladda oo ay yaallaan khudbadaha madaxdii hore, suugaanta iyo barnaamijyo astaamo u ah qaranimada Soomaaliya.

Waa dalacaadii u horeysay ee uu sameeyo Madaxweyne Farmaajo, tan iyo markii uu xafiiska la wareegay bishii February ee sanadkan.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:37 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada