Daawo:- Wadada Isku Xirta Wadnaha iyo Maka Al Mukarama oo Maanta Dib Loo Furay

Daawo:- Wadada Isku Xirta Wadnaha iyo Maka Al Mukarama oo Maanta Dib Loo Furay

daajis.com:-  Gudoomiyaha gobolka Banaadir iyo wasaarada Amniga gudaha ayaa ku guuleestay in maanta dib loo furo Wadad Isku Xirta Wadnaha iyo Maka Al Mukarama oo kutaala goob muhiim u ah magaalada Muqdisho, Wadadan oo sanadihii lasoo dhaafay u xirneyd arimo dhinaca amaanka ah.

Wadadan maanta la furay ayaa ah mida hormarta Guriga Shaqaalaha iskuna xirta Laamiyada Maka Al Mukarama iyo kan Wadnaha, waxaana wadadn dhawaan lagu sameeyay dib u dhis iyadoona la saaray laami cusub.



Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in dib u furirda wadadan ay tahay mid muhiim u ah shacabka oo dhib badan ku qabay, waxaana wadadan ay sahleysaa in mashqulkii badnaa ka yareeso laamiga Maka Al Mukarama.
Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Abuukar Islow iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed oo ka qaybgalay furitaanka wadada ayaa shaaciyay in hada waxii ka dambeeya ay furan tahay wadadaasi ayna dadku isticmaali karaan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:42 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada