Kuuriyada Woqooyi oo ku dhawaaqday hanjabaad Mareykanka iyo xulafadiisa halis ku noqon doonto

Kuuriyada Woqooyi oo ku dhawaaqday hanjabaad Mareykanka iyo xulafadiisa halis ku noqon doonto

daajis.com:-  Kuuriyada Woqooyi ayaa sheegtay in gantaalka ay dulmarisay Japan uu “tallaabo hordhac ah u yahay howlgal militari” oo ka billaabayo badda Pacific-ga, waxayna cadeysay in madaafiic dheeraad ah ay ridi doonto.

Warbaahinta dowladda Kuuriyada Woqooyi ayaa ku celisay hanjabaadda ku wajahan saldhigga Mareykanka ee ku yaalla jasiiradda Guam.

Gantaalka ay tijaabisay Talaadadii wuxuu dul maray Jasiiradda Hokkaido ee Woqooyiga Japan, wuxuuna sababay digniin ah in shacabka ay gabaad raadsadaan, ka hor inta uusan ku dhicin badda.

Golaha Amniga ee Qaramada Midoobey ayaa si wadajir ah u cambaareeyay ficilka Kuuriyada Woqooyi.

Golaha Ammaanka oo shalay ku kulmay New York, ayaa tallaabadaas ku tilmaamay “wax laga caroodo”, waxayna dalbadeen in maamulka Pyongyang uu si degdeg ah u joojiyo tijaabada madaafiicda.

Barnaamijka Nukliyerka Kuuriyada Woqooyi:

  • Pyongyang waxay barnaamijkeeda nukliyerka ka shaqeyneysay tobannaan sano.
  • Waxay casriyeyneysaa hubkii midowgii Soviet
  • Waxay tijaabisay madaafiicda ridada dheer iyo kuwa ridada gaaban
  • Mararka qaar gudaha dalka ayey ku sameeyaan mararka qaarna xiisad gobolka ah ayaa ka dhalata
  • Dhawaanahan waxay kordhisay heerka tijaabada
  • Khubarada waxay sheegayaan in Kuuriyada Woqooyi ay hormar ka gaartay sameynta madaafiic riddo dheer oo qaadi kara madaxyada nukliyerka
  • Bishii Luulyo, Pyongyang waxay tijaabisay madfac isaga kala gudbi kara qaaradaha
  • Wuxuu gantaalkaas gaari karaa Mareykanka, sida khubarada ay aaminsan yihiin
  • Lama caddeyn karo awoodda Kuuriyada Woqooyi ay u leedahay in si degdeg ah ay u hesho gantaal rasmi ah oo leh madax nukliyeer
  • Grey line

Warka ka soo baxay Golaha Ammaanka ayaa lagu sheegay in ficilka Kuuriyada Woqooyi uu halis ku yahay dhammaan dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobey.

Balse warbixinta laguma xusin in cunna qabateyn dheeraad ah la saarayo xukuumadda Pyongyang.

Ruushka iyo Shiinaha ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqa militariga Mareykanka ee gobolka ay tahay in lagu eedeeyo xiisadda taagan, waxayna dalbadeen wadahadal.

Ra’iisul Wasaaraha Britain oo maanta booqasho ku tagtay Japan waxay Shiinaha ka codsatay in cadaadis uu saaro Kuuriyada Woqooyi si ay u joojiyo “daandaansiga aan ka fiirsashada lahayn”.

Xukuumadda Pyongyang ayaa si joogto ah u waday tijaabada gantaallo cusub, dhowrkii bilood ee la soo dhaafay, inkastoo xeerka Qarammada Midoobay uu ka mamnuucayo tallaabadaas.

Waa markii ugu horeysay oo Kuuriyada Woqooyi ay si ula kac ah u qirato in ay gantaal caag ah dul marisay Japan. Kuwii ka horeeyayna waxay u ridi jirtay dhanka hawada.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada