MUUQAAL: ciidamada AMISOM oo si cad udiiday amar kasoo baxay Madaxda DFS & Wasiiro ka niyad jabay

MUUQAAL: ciidamada AMISOM oo si cad udiiday amar kasoo baxay Madaxda DFS & Wasiiro ka niyad jabay

daajis.com:-Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Taliska ciidamada AMISOM ee magaalada Muqdisho uu qaadacay dalab kaga imaaday dowlada Federaalka Somalia.

Wararku waxa ay sheegayaan in dalabka uu qaadacay taliska uu yahay mid salka ku haya in ciidamada AMISOM laga saaro Stadium Muqdisho.

Taliska ayaa la sheegay inay ka cudur daarteen in ciidamada laga saaro Stadium Muqdisho oo iminka ah Xarun ciidan, oo laga ilaaliyo amniga degmooyinka Dayniile iyo Yaaqshiid.


Taliska ayaa cudur daarka ku sheegay inay suuragal tahay in maleeshiyaadka Shabaab ay saldhig lagu kala qaato xogaha ka dhigtaan Stadium Muqdisho, sidaa aawgeedna aysan suuragal aheyn.

Taliska ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada AMISOM ee ku sugan Stadium Muqdisho ay kor kala socdaan amniga Xaruntii hore Xisbiga oo iminka Saldhig u ah ciidamada Xasilinta Caasimada.

Dowlada Federaalka ayaa ku howlan dadaal weliba oo ciidamada AMISOM looga saari lahaa Stadium Muqdisho.



Sidoo kale, Khadiijo Maxamed Diiriye Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka go’an tahay faarujinta Garoonka, waxa ayna carab dhabtay inay jiraan caqabado gaara, balse ay xal u heli doonaan.

Ma cadda in dowlada Federaalka ay ku guuleysan doonto in ciidamada AMISOM laga saaro Stadium Muqdisho iyo inkal, waxaana xusid mudan in dhowr jeer ay dowladu ku fashilantay.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada