Roobow Abuu Mansuur oo go’aan aan laga fileyn ka qaatay mustaqbalkiisa

Roobow Abuu Mansuur oo go’aan aan laga fileyn ka qaatay mustaqbalkiisa

daajis.com:- Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo dhawaan isku soo dhiibay dowladda Soomaaliya oo xalay kulan xasaasi ah la qaatay xildhibaanada labada aqal ee kasoo jeedo Koonfur Galbeed ayaa ka dhawaajiyey mowqif adag oo aysan aqbali karin dowladda Soomaaliya.

Sheekha oo xalay kulan albaabada u xiran la yeeshay Xildhibaanada kasoo jeedo Maamulka Koonfur Galbeed oo loo diiday inay saxaafadda ka qeybgasho ayaa u sheegay inuu doonayo inuu sameysto koox ka madax banaan dowladda Soomaaliya si uu ula dagaalamo Ururka Al-Shabaab.

Wuxuu sheegay inuusan dowladda ku biiri karin balse uu fikir ahaan taagersan yahay isla markaasna uu dowladda iyo Beesha Caalamka ka doonayo inay ku caawiyaan saanad Militari iyo qorshihii lagula dagaalami lahaa Al-Shabaab.

Roobow ayaa Xildhibaanada deegaanadiisa kasoo jeedo u sheegay inuu Gobolada Bay iyo Bakool ka dhigi doono meel nabad ah oo ka maran Xarakada Al-Shabaab, wuxuuna u sheegay inuu arrintaas u mari doono koox isaga  ka amar qaadato kana madax banaan dowladda Soomaaliya.

Sida ay sheegeyso xogta Inta badan xildhibaanadii uu la kulmay ayaa ku qanci waayey fikirkaas, waxayna Sheekha u sheegeen inuu ku biiro dowladda Soomaaliya isla markaasna ciidamadiisa oo hadda u dhisan hab beeleed laga dhigo kuwa qaran.

Go’aanka uu ku taagan yahay Roobow ayaa shaki weyn dhaliyey, waxaana laga war sugayaa go’aanka ay ka qaataan Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha oo iyagana kulan la qaadan doono Sheekh Mukhtaar.

Roobow oo dhawaan Muqdisho saxaafadda kula hadlay ayaa sheegay inuu isaga baxay Al-Shabaab  kadib markii ay isku fahmi waayeen xagga caqiidada iyo dhaqamada ay sameenayaan, wuxuuna sheegay inuu wadahadal u socdo isaga iyo dowladda.

Wixii war

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada