Daawo: Dhacdo Bulshada ka yaabisay oo Mombasa ka dhacday Maanta, RAG Gaadhi Xaday oo ay Haweenay Sixirtay

Daawo: Dhacdo Bulshada ka yaabisay oo Mombasa ka dhacday Maanta, RAG Gaadhi Xaday oo ay Haweenay Sixirtay

daajis.com:- Labo nin oo qaawan ayaa maanta socod ku maray wadooyinka Mombasa, waxaa la sheegay in ragaasi la sixray kadib markii ay gaadhi xadeen, sida uu daabacay wargeyska The Standard.


Nin gaadhi laga xaday ayaa u tegay Islaan wax sixirta, waxaana uu siiyey lacag kun doolar ah, kadib markii ay u ballan qaaday in hadii lacagtaasi la siiyo ay sixreyso tuugtii kadibna la arki doono iyagoo qaawan oo suuqa maraya.
Saaka subaxdii ayaa la arkay labo nin oo qaawan oo mid ka mid ah mas qoorta surtay, kadibna waxay mashquuliyiin isu socodka wadooyinka qaar, dadkii ayaa ragaasi ku mashquulay, waxaana ugu danbeyn la geeyay saldhiga.

Haweenayda sixirtay ragan ayaa ragii ka kaxeysay saldhiga oo sheegtay inay geynayso gurigeeda si ay sixirka uga soo saarto, inkastoo Booliisku sheegay in ay tahay arrin u eg mid la jilay, hadana arrintan waxay noqotay sheekada ugu hadal heynta badan maanta Mombasa. waxaana aad uga hadlay baraha bulshada iyo dadka isugu yimaada goobaha bulshada.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada