DAAWO SAWIRRO: Sacuudiga oo gacanta ku dhigay Rag Doonayay Iney Qaraxyo Ismiidaamin ah ka fuliyaan Wasaarada Gaashaandhiga…

DAAWO SAWIRRO: Sacuudiga oo gacanta ku dhigay Rag Doonayay Iney Qaraxyo Ismiidaamin ah ka fuliyaan Wasaarada Gaashaandhiga…

daajis.com:- Saraakiisha amaanka Sucuudiga ayaa sheegay inay fashiliyeen qorshe kooxda Daacish ku damacsanayd inay ku qarxiso laba xarumood oo ay wasaaradda Gaashaandhiggu ku leedahay magaalada Riyaad, lana la qabtay laba qof oo doonayey inay isku qarxiyaan goobahaas.

Masuul sare oo ka tirsan taliska nabad sugidda Sacuudiga ayaa sheegay in la qabtay labadan qof iyagoo is leh weerarka ku qaada labada goobood ee Wasaaradda gaashaandhiggu ku leedahay Riyaad.

Waxaa lala qabtay laba Jaaked oo nooca walxaha qarxa lagu xidho ah iyo sagaal bambo gacmeed, qoryo iyo toorreeyo.

Baaritaanada hor dhaca ahaa ee la sameeyey ayaa lagu ogaaday in labada qof dhalashadoodu tahay Yemen, waxaana sidoo kale lala qabtay laba qof oo kale oo Sucuudi ah kuwaasoo weli la baarayo xiriirka ka dhexeeya iyaga iyo raggan isqarxin rabay.
labada nin ee rabay inay is qarxiyaan oo magacyadoodu kala yihiin Axmed Yaasir Al-Kaldi iyo Amaar ali Mohamed ayaa la qabtay daqiiqado ka hor iyagoo aan gaarn goobtii ay ku socdeen.
Sucuudiga ayaa mudooyinkan weeraro badan oo qaraxyo miidaamin ah lala beegsaday, waxaana wada sheegatay kooxda la baxday Dawladda Islaamka ama Daacish.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada