Dibad-baxayaal hortagay xarunta BF iyo waxii ay la kulmeen

Dibad-baxayaal hortagay xarunta BF iyo waxii ay la kulmeen

daajis.com:- Banaanbaxayaal taageersanaa xukuumadda ra’iisul wasaare Kheyre oo hortagay xarunta baarlamanka aya arasaas lagu kala eryey, sida war hadda nasoo gaaray uu sheegayo.

Xarunta baarlamanka ayaa waxaa hadda ka socda dood ku saabsan kiiska Qalbi-Dhagax iyo inay sharci ahayd in dowladda ay u dhiibto dowladda Ethiopia.

Rasaasta oo hawada sare loo riday ayaan la sheegay inaysan wax khasaare ah dhalin

Dibadbaxayaasha ayaa badankood ka yimid degmooyinka ku teedsan xarunta baarlamanka ee Hodan, Waabari iyo Howlwadaag, waxayna wateen boorar ay ku taageerayaan ra’iisul wasaare Kheyre.

Qaar ka mid ah dibad baxayaasha ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay in ciidamada ay rasaas ku kala eryaan, isla markaana ay taageersan yihiin Xukuumadda, ayna ka soo horjeedaan in Xukuumadda laga keeno mooshin.

Waa markii u horeysay banaan baxayaal taageersan Xukuumadda ay kala eryaan Ciidamada, iyadoo la xiray dhamaan waddooyinka soo gala xarunta golsha shacabka.

Inta badan waxaa la arki jiray ciidamada dowladda oo kala erya dibadbaxayaasha kasoo horjeeda dowladda.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:34 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada