Hogaamiye Waare oo cadeeyay mowqifka HirShabelle ee Khilaafka dowladaha Khaliijka

Hogaamiye Waare oo cadeeyay mowqifka HirShabelle ee Khilaafka dowladaha Khaliijka

daajis.com:-  Hogaamiyaha cusub ee dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa markii ugu horeysay ka hadlay Khilaaf siyaasadeedka ka dhex aloosan dalalka Khaliijka.

Hogaamiye Waare ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in Siyaasada dibadda looga danbeeyo dowlada Somalia oo uu sheegay inay mas’uul ka tahay dalka oo idil.

Waxa uu arrin nasiib darro ah ku sheegay in maamul Gobaleedyada dalka ay kala garan waayan qeybta uga furan Siyaasada iyo qeybta aan uga furneyn, waxa uuna aad u dhaliilay go’aanada ka soo horjeeda dowladda dhexe oo ay qaaten maamulada.

Nuqul kamid ah haddalka Waare ayaa ahaa ”Go’aanka dhex dhexaadka ah oo ay qaadatay Somalia waa in uu ahaadaa mid labada dhinac u siman ee uusan noqon mid dhinac ay dan ugu jirto dhinaca kalane uu gubayo”

Waxa uu intaa raaciyay Waare ”Xiriirka Caalamiga ah waxaa iska leh Dowlada Dhexe doorka uga furan maamul goboleedyada waa talo bixin waa farsamo waa danahooda iyo mashaariicdooda ay soo gudbiyaan.”

Waxa uu Hogaamiyaha ku taliyay in maamul Goboleedyada dalka ay dhowraan dastuurka dalka u yaala oo qeexaya awoodaha Dowlada Dhexe iyo Maamul Goboleedyada ay kala leeyihiin.

Waxa uu Waare sheegay in HirShabelle ay taageersan tahay go’aanka ay dowlada Somalia ka qaadatay Khilaafka dowladaha Khaliijka ee iminka gaartay meel fog.

Waare ayaa waxa uu fakirkiisa kasoo horjeeda maamulada Puntland, Galmudug iyo KoofurGalbeed oo dhammaantooda aaminsan in la taageero xulafada Sacuudiga.

Si kastaba ha ahaatee, maamul Goboleedyada dalka ayaa loo arkaa inay ka beec mushtarayaan sharciga dalka oo ay si cad uga talaabeen.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:40 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada