MUUQAAL: London Qarax Xooggan oo Ka dhacay Tareen iyo Khasaaraha

MUUQAAL: London Qarax Xooggan oo Ka dhacay Tareen iyo Khasaaraha

daajis.com:- Tiro dad ah ayaa ku dhaawacmay qarax dhulka hoostiisa ka dhacay Koofur galbeed ee magaalada London, waxaana deg deg goobta ku gaaray ciidamada booliska iyo kalkaaliyeyaasha caafimaadka.

Sawiro la soo qaaday ayaa waxaa ka muuqday baaldi cad oo holac ka baxayo, kaasoo u muuqda in waxyaabo qarxa lagu soo qariyay.


Booliska ayaa baaraya waxyaabaha qarxa oo aanay geysan waxyeelo aad u weyn, balse dadkii saarnaa tareenka ayaa kala cararay, qaarkood waa ay is buurteen.

Warbaahinta UK ayaa soo tabanaya in dhacdadan ay dhalisay dareen iyo feejignaan ku aadan qatarta kooxaha argagixisada ka imaaneysa.

Boosteejada tareenka ee koofur galbeed London ayaa la xiray, halkaasoo ciidamo fara badan la geeyay, wali ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Booliska.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada