MUUQAAL: Madaxwaynaha dalka iiraan oo Luuqad Adag ugu Jawaabay Trump

MUUQAAL: Madaxwaynaha dalka iiraan oo Luuqad Adag ugu Jawaabay Trump

daajis.com:- Madaxweynaha waddanka Iiraan, Xasan Ruuxaani, ayaa khudbad uu ka jeediyay gollaha guud ee QM waxaa uu si xooggan ugu cambaareeyay dhaleecaynta uu dalkiisa kala kulmay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.


Ruuxaani ayaa sheegay in hadalkii weerarka ahaa ee ku jiray khudbaddii uu Trump goor hore ka jeediyay Qaramada Midoobay uu ahaa mid uu ka muuqday Jaahilnimo, wax laga yaqyaqsiyoodo iyo naceyb.

Madaxweyne Ruuxaani ayaa sheegay in dadkiisa aysan cabsi gelini doonin hanjabaadaha uga imaneysa sida uu hadalka u dhigay dalka Mareykanka.

Trump ayaa Iiran ugu yeeray dowladd musuqmaasuq ah oo keli talis ah oo colaadan faafinaysa.

Madaxweyne Trump waxa kale oo Iiran uu ugu yeeray hogaankeeda dilaaga ah, waxa uu yiri Iiraan waxay isku deyday in ay deganaansho la’aan ka abuurto Bariga Dhexe oo dhan.

Donald Trump ayaa ugu baaqay Iiraan in ay joojiso taageerada ay u fidiso argagixisada isla markaana waxa uu canbaareeyay heshiiskii uu Obama la galay Iiraan.

Balse Madaxweyne Ruuxaani waxaa u difaacay heshiiskaasi waxa uuna sheegay in Iiran ay si adag uga jawaabi doonto hadii dal kamid ah kuwii heshiiska barnaamijka nukliyerka saxiixay u ku xadgudbo.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada