MUUQAAL: Madaxwayne Farmaajo oo ku Tukaday Madaxtooyada iyo Wuxuu uga Hadlay Khudbadii

MUUQAAL: Madaxwayne Farmaajo oo ku Tukaday Madaxtooyada iyo Wuxuu uga Hadlay Khudbadii

daajis.com:- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa salaadii Ciida ku dukaday masjidka Shuhadaa ee ku yaalla Madaxtooyada, isagoo ka baaqsaday Masaajidka Isbaheysiga Islaamka, halkaasoo boqolaal ruux ay salaadii Ciidul Adxa ku dukadeen.


Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, Xildhibaano ayaa ka mid ahaa Mas’uuliyiintii shacabka Salaada Ciida kula dukaday Masaajidka Isbaheysiga Islaamka.

Guddoomiye Jawaari iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre khudbad ka jeediyay Masaajidka Isbaheysiga, iyagoo shacabka ugu baaqay inay is cafiyaan oo ay ka shaqeeyaan nabada iyo xasiloonida.

Madaxweyne Farmaajo ayaa khudbad uu ka jeediyay Masaajidka Madaxtooyada salaada kaddib waxaa uu soo hadal qaaday dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, isagoo ka dhawaajiyay in dhowaan la bilaabi doono howl gallo hor leh oo gobolada dalka looga sifeynayo Al-Shabaab.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa soo hadal qaaday in muhiimada uu leeyahay dhismaha Guddiga Adeega Gasroorka.

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa ka dalbaday shacabka inay is caawiyaan, gaar ahana dadka danyarta ah, sidoo kale waxaa uu shacabka ugu baaqay inay la shaqeeyaan dowladda Federaalka, si loo sugo ammaanka guud ee dalka.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 11:26 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada