Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya oo wada qorshe lagu mideeynayo ciidamada

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya oo wada qorshe lagu mideeynayo ciidamada

daajis.com:- Wasaaradda gaashaandhigga dowladda Soomaaliya ayaa biloowday qorshe la doonayo in lagu mideeyo ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ee ku sugan gobollada dalka, ayadoo dowladdu ay arimahaasi u xilsaartay gudiyo gaar ah oo tirakoob kusoo sameeya ciidamada xoogga dalka ee ku sugan gobollada Soomaaliya.

Xubno ka tirsan gudiga taakuleynta ciidamada Soomaaliya oo ay wehlinayeen, gudiga baarlamanka u qaabilsan difaaca iyo xubno ka socday beesha Caalamka ayaa deegaanada Jubaland ka bilaabay tirakoobka ciidanka xoogga dalka.

Wafdiga ayaa kormeeray xarunta Jaamacadda Kismaayo, halkaasoo ay ku xareeysanyihiin qaar kamid ah ciidamada xoogga dalka Soomaliya qeybta 43-aad, waxa ayna halkaasi ka bilaabeen tirakoob ay ku sameeynayeen ciidanka iyo qalabka ay heystaan.

Taliyaha Qeybta 43-aad ee xoogga dalka oo ka warbixinayay wafdiga soo gaaray ayaa yiri: “Waxaa noo yimid wafdi ballaaran oo ka socda wasaaradda gaashaandhigga dowladda Soomaaliya, eesha Caalamka iyo xubno ka socday gudiga difaaca baarlamanka, kaasoo ujeedadiisu ay tahay in la xaqiijiyo lana hubiyo, lana ogaado qalab waxa yaal ee ay ciidamadu heeystaan iyo tirade ciidanka.”

Xildhibaan Axmed Max’ed Cirro oo kamid ahaa gudiga oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ujeedka imaatinkoodu ahaa howl ay usoo xil saartay wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ayna tagi doonaan saldhigyada ciidamada kala duwan ee xoogga dalka ku leeyihiin Jubaland, si ay tirakoob ugu sameeyaan ciidamada.

“Baahida ina heeyso waa baahi amni, amni hadaynu helno waxaan heleeynaa caafimaadkii, wabarashadii, iyo wax walaale iyo wixii adeeg bulsho ahaa ee dhanka horumarka, laakiin meel uusan amni ka jirin waxaa oo dhan lagama helayo,” ayuu Xildhibaanku hadalkiisii raaciyay.
Wafdiga ayaa sidoo kale gaaray deegaanka Dhoobleey, halkaa oo ay kula kulmeen saraakiisha ciidamada xoogga dalka qeyta 43-aad ee deegaankaasi, waxa ayna halkaasi ka bilaabeen tirakoob ay ku sameeynayeen ciidanka iyo qalabka ay heystaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa wada qorshe dib loogu dhisayo ciidanka, ayadoo qorshuhu yahay sidii ciidamada Soomaaliyeed ay amniga dalka gacanta ugu dhigi lahaayeen islamarkaana ugala wareegi lahaayeen ciidamada ka socda Midowga Afrika ee AMISOM.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada