Xildhibaan Fiqi oo ka farxiyay Dowlada dhexe: Maamul Goboleedyadu Waa Hogaamiye Kooxeedyo oo kale

Xildhibaan Fiqi oo ka farxiyay Dowlada dhexe: Maamul Goboleedyadu Waa Hogaamiye Kooxeedyo oo kale

daajis.com:- Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah Xildhibaanka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka dhawaajiyey in Madaxda Maamul Goboleedyada ay noqonayaan hoggamiye kooxeedyo cusub oo ka dilaacay Soomaaliya.

Xildhibaanka ayaa hadalkaan ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, wuxuuna kasoo horjeestay go’aanka ay qaateen Madaxda Maamul Goboleedyada ee ah in xiriirka loo jaro Dalka Qatar.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso qoraalka uu soo dhigay Facebook:

Go’aanada qaran ee dawladdu qaadanayso waa in laga dheehan karaa, in danta qaranku ay saldhig u tahay qaadashadooda, dastuurka dalka ayaana kala xadeynaya awoodda dawladda dhexe iyo tan dawlad goboleedyada. Siyaasadda arimaha dibadda go’aanadeeda waxaa iska leh oo kaliya dawladda dhexe.

Dawlad goboleedyadu haddii aysan ixtiraamin dastuurka dalka waxey u ekaanayaan hogaamiyo kooxeedyo cusub kuwaasoo sharcigooda jeebka ku wata, waxeyna luminayaan sharciyaddii maamulkaas, ayadoo deegaanka iyo dadka ay u talinayaana uu u ekaanayo mid u afduuban ayaga, meeshii dantooda ay ka arkaana u kaxeysta, taasoo liddi ku ah hadafkii laga lahaa dhismaha dawlad goboleedyada.

In ay dawladoodii uga hor yimaadaan, ayagoo ku andacoonaya garabsiinta qaran kale oo qalaad waa qalad weyn, mana ahan wax caqliga saliimka ah uu qaadan karo. Waxaan qabaa in la joogo waqtigii si sax ah looga hadli lahaa federaalnimada dalka isla markaana la diyaarin lahaa shuruucdii rasmiga aheyd ee lagu qotomin lahaa, haddii kale waxaa lagu jiri doonaa waalidaan taagan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada