Daawo:- Axmed Madoobe: Dowladda dhexe ayaa Masuul ka ah Guud ahaan Soomaaliya” Khudbad uu Shirka ka jeediyey (

Daawo:- Axmed Madoobe: Dowladda dhexe ayaa Masuul ka ah Guud ahaan Soomaaliya” Khudbad uu Shirka ka jeediyey (

daajis.com:- Shir lagu dhex dhexaadinayo madaxda maamul Goboleedyada iyo dowladda dhexe ayaa xalay si rasmi ah uga furmay Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Waxaana wajiga koowaad ee shirka ka qeyb galay dhamaan madaxda dowlad Goboleedyada , sida Puntland, Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo Jubbaland oo marti galisay Shirkaasi.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” oo khubad dheer ka jeediyay madasha ayaa sheegay in shirkan uu yahay mid muhiim u ah Ummadda Soomaaliyeed, islamarkaana lagu xalinayo khilaafka haatan soo kala dhex galay madaxda dowladda iyo maamul Goboleedyada dalka.

Waxaana uu shaaca ka qaaday in dowladda dhexe ay masuul ka tahay guud ahaan dalka, muhiimna ay tahay in talada iyo maamulka looga dambeeyo.


Sidoo kale madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” ayaa tilmaamay in shirkan wax dan ah maamulkiisa uusan ka lahayn, islamarkaana uu yahay mid lagu dhameynayo khilaafka Siyaasadeed ee u dhaxeeya madaxda maamul Goboleedyada iyo dowladda dhexe.

Muddooyinkii dambe ayaa waxa isa soo tarayay khilaafyo Siyaasadeed oo u dhexeeya madaxda Qaranka iyo maamul Goboleedyada, kaasi oo yimid, kadib markii maamullada qaar ay dhinac mareen go’aankii ay dowladda dhexe ka qaadatay khilaafka Wadamada Khaliijka.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:56 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada