DAAWO Video: Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo ku dhowaaqay arin Farxad gelisay bulshada iyo Waraysi uu bixiyey

DAAWO Video: Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo ku dhowaaqay arin Farxad gelisay bulshada iyo Waraysi uu bixiyey

daajis.com:- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed ayaa ka hadlay wadooyinka xiran ee magaalada Muqdisho iyo weliba sida uu maamulka Banaadir ka yeelayo gaadiidka waaweyn.

Duqa magaalada Muqdisho oo maanta ka hadlayay Radio Muqdisho ayaa sheegay in uu socdo qorshe la xiriira in dib loo furayo wadooyinka xiran ee Muqdisho oo ay ka mid tahay wadada ka timaada Tarbuunka iyo weliba jidcadayaasha kale ee xiran.

“Wadooyinka sababta loo xirey waa arrimo amni, balse mar walba waxa uu maamulka Gobolka ka shaqeynayaan danaha shacabka ay u shaqeeyaan.”ayuu yiri Duqa magaalada Muqdisho.


Isagoo ka hadlayay gawaarida xamuulka qaada ayuu sheegay guddoomiye Taabit inay ku qorsheynayaan in waddo kaliya loo yeelo gawaarida xamuulka qaada taasoo ay haatan wada qorsheynayaan iskaashatooyinka gaadiidka iyo weliba ciidamada taraafikada.

Wuxuu sheegay guddoomiye Taabit in aysan suuragal aheyn in dekadda ay qaabisho gawaari badan, sidaasi darteedan gaadiidka Xamuulka waqtiyo gaar ah ay shaqeyn doonaan si ciriiri aysan ugu keenin wadooyinka kale ee Muqdisho.

Waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho ayaa haatan noqday ciriiri kadib markii wadooyin jid cadayaal oo muhiim u ahaa isu socodka dadka iyo gaadiidka la xirey waxayna taasi qasabtay in gaadiidka oo idil ay laamiyada maraan taasoo xilliyada qaar gaadiidku aysan helin meel ay kala maraan.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:34 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada