Daawo Video: Madaxkamadda Sare ee Galmudug oo Go’aan kasoo Gaadhay Xilka Qaadistii Madaxda GALMUDUG

Daawo Video: Madaxkamadda Sare ee Galmudug oo Go’aan kasoo Gaadhay Xilka Qaadistii Madaxda GALMUDUG

daajis.com:- Makamadda sare ee Galmudug ayaa goor dhow shaacisay go’aaanka kama dambeysta ah ee murankii ka dhaxeeyay madaxda sare ee maamulkaasi, Iyadoo  lagu ayiday go’aannadii ay gaadheen xildhibaannada baarlamaanka maamulkaasi ee xilalka looga kala qaaday madaxda sare ee Galmudug.


Waxay maxkamaddu sheegtay in madaxweyne Xaaf, ku xigeenkiisii, guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug iyo ku xigeenkiisa Koowaad xilalka looga qaaday si sharci ah.

War saxaafadeed ka soo baxay Maxkamadda oo uu ku saxiixna Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Yaxye Sheekh Cali Maxamed ayaa waxaa lagu sheegay in xil ka qaadistii Baarlamaanka Galmudug uu ku sameeyay Madaxweyne Xaaf 26-kii bishii hore ay aheyd mid sharci ah.

Waxaa kaloo Maxkamadda Sare ay sheegtay inuu xilkiisa waayay Guddoomiye kuxigeenka 1aad Xareed Cali Xareed oo ka maqnaa fadhiga 118 maalmood.

Maxkamadda ayaa waxay fartay Guddoomiye kuxigeenka labaad Maxamed Aadan Macalin inuu noqdo Kusimaha Madaxweynaha Galmudug.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 10:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada