MUUQAAL: Madaxwayne Farmaajo oo Qaabilay Safiirada Dawladdaha Sweden iyo Austria oo Muqdisho yimid

MUUQAAL: Madaxwayne Farmaajo oo Qaabilay Safiirada Dawladdaha Sweden iyo Austria oo Muqdisho yimid

daajis.com:- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada Qaranka Waraaqaha aqoonsiga Safiirnimo kaga guddoomay Danjireyaasha cusub ee dalalka Sweden iyo Austria u fadhin doonna Soomaaliya.

Farmaajo iyo Danjireyaasha ayaa kawada hadlay Xoojinta xiriirka Soomaaliya iyoi labadaas Dowladood iyo sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen dib u dhiska iyo Horumarka dalka ka socda, iyagoo balan qaaday in Soomaaliya ay ka caawin doonaan kaabayaasha dhaqaalaha, Shaqo abuurka dhalinyarada iyo isweydaarsiga Ganacsiga.

Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in danjiraha Dowladda Austria ay soo dirsatay uu yahay Safiirkii ugu horreeyey ee Dowladdaasi u soo magacowdo Somalia, talaabadaasna ay tahay mid taariikhi ah oo dhabbaha u xaareysa Xiriirka labada dal.

Safiirada Sweden iyo Austria ayaa Dowladda Federaalka ah uga mahadceliyey sida aadka u wanaagsan ee Magaalada Muqdisho loogu soo dhoweeyey, waxaana Madaxweyne Famaajo ay soo gaarsiiyeen Fariin ay kaga sideen Madaxda sare ee dowladahaasi.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 09:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada