MUUQAAL: C.wali Gaas “DF-Soomaliya Muqdisho ayay ka Tilasaa, Dalka waxaa maamula dowlad goboleedyada

MUUQAAL: C.wali Gaas “DF-Soomaliya Muqdisho ayay ka Tilasaa, Dalka waxaa maamula dowlad goboleedyada

daajis.com:-  Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland cabdiweli Maxamed Calo Gaas oo maanta gaaray magaalada garoowe ayaa hadlay War-saxaafadeed kasoo baxay madaxda maamullada iyo madasha uu Guddoomiyaha ka yahay, kuwaas oo dowladda usoo jeediyey eedeemo aad u weyn.


Gaas oo wax laga weydiiyay in Madashan la mid tahay qab-qablayaashii dalka soo maray islamarkaana carqalad ku yihiin dowladda ayaa yidhi: “Adeer hadalkaas waa hadal meel waayay, Madasha Dastuurka ayay ku qorantahay, Dastuurka maadan akhrin miyaa, Dastuurka ayay ku qorantahay in maamul goboleedyadu samaysan karaan madal ay heshiis ku yihiin.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale sheegay in dowladda dhexe ay maamusho oo kaliya magaalada Muqdisho, balse dalka intiisa kale ay maamulaan maamul goboleedyadu.

“Adeer dalka Soomaaliya dowlad dhexe kaliya ma xukunto, dowlad dhexe Xamar bay ku koobantahay, dalka dowlad goboleed baa gacanta ku haya mas’uuliyad baana naga saaran, taas ayaana na faraysa inaynaan cidna magan uga noqon cidna aynaan u hoos imaan.” Ayuu yiri Gaaas.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:44 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada