Sawirro: Imaaraadka oo si caajis uu ku jiro Muqdisho uga dhoofisay dhawacyadii ugu horeeyay ee Qaraxii Zoobe

Sawirro: Imaaraadka oo si caajis uu ku jiro Muqdisho uga dhoofisay dhawacyadii ugu horeeyay ee Qaraxii Zoobe

daajis.com:- Waxaa maanta magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia laga qaaday dhaawacyo dhowr ah oo ku waxyeeloobmay Qaraxii ka dhacay Isgooyska Zoobe.

Dhaawacyadan ayaa waxaa garoonka Aadan Cadde ka qaaday diyaarad gaara oo ay u kireysay dowlada Imaaraadka oo iyadu horay u ballanqaaday qaadista iyo daweynta dhaawacyada.

Dhaawacyada ay muqdisho ka qaaday dowlada Imaaraadka ayaa ah ku dhawaad toban ruux oo ay wehliyaan eheladooda kuwaa oo la geeyay dalka Kenya, halkaasi oo la geynayo isbitaallada ugu fiican ee wadanka Kenya.

Dhaqaalaha ku baxaaya daweynta dhaawacyada ayaa waxaa bixin doonta dowlada Imaaraadka Carabta oo iyadu sameysay ballanqaadka.

Sidoo kale dhaawacyada maanta loo qaaday dalka Kenya waxaa horey u sii raacay dhaqaatiir ka socday dalka Imaaraadka Carabta, kuwaasi oo ka warqabi doono xaaladahooda caafimaad bukaanada la seexinayo isbitaalada dalka Kenya.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa horey u balan qaaday inay qaadayso boqol ruux oo ka mid ah dadkii ku soo dhaawacmay weerarkii 14-kii bishan ka dhacay Muqdisho, iyadoo tani ay tahay wajiga koowaad ee dalka dibadiisa loo qaadayo dhaawacyada jiifa isbitaalka Sheekh Zaayid ee magaalada Muqdisho.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada