MUUQAAL: R/wasaaraha Ingiriiska oo Weerarkii ugu Cuslaa ku qaaday dalka Ruushka iyo Waxa kala Qabsaday

MUUQAAL: R/wasaaraha Ingiriiska oo Weerarkii ugu Cuslaa ku qaaday dalka Ruushka iyo Waxa kala Qabsaday

daajis.com:-  Theresa May ayaa weerarkii ugu adkaa ku qaaday Ruushka iyadoo ku eedaysay Moscow in ay farogelisay doorashooyinkii ayna qaadayso basaasid dhanka Internetka ah.

Iyadoo magaalada London khudbad ka jeedinaysa ayay sheegtay in xukuumadda Vladimir Putin ay isku dayayso in ay “xagal daaciso bulshooyinka xorta ah”.

Waxay sheegtay in uu abuurayo “sheekooyin been abuur ah” si uu u tilmaamo “in reer galbeedku is khilaafsan yihiin”.

Laakiin waxay intaas ku dartay in UK aysan doonaynin in ay “si joogto ah isaga horyimaadaan” Ruushka ayna danahooda difaacan doonaan.


Hadalkeedan ayaa ka gadisan midkii madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, kaas oo toddobaadkii hore sheegay in uu aaminsan yahay diidmada Putin ee ku aadan in uusan farogalinin doorashadii madaxweynenimada Maraykanka ee 2016kii.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Britain Boris Johnson ayaa lagu wadaa in uu Ruushka booqdo bisha soo socota.

May ayaa markii ay khudbadda jeedinaysay sheegtay in ay tahay in Ruushku uu noqdo saaxiib qiimo u leh Yurub, taasina ay dhici karto oo kali ah haddii uu sharciga ku dhaqmo jidka uu hadda hayana ka leexdo.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:09 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada