VIDEO:- Raisulwasaarihii Lubnaan ee Sucuudiga Isku Casilay oo la keenay Paris

VIDEO:- Raisulwasaarihii Lubnaan ee Sucuudiga Isku Casilay oo la keenay Paris

daajis.com:- Raysalwasaarihii Lubnaan Saad Hariri oo 4tii bishan sheegay inuu xilka isaga degay ayaa maanta oo sabti ah gaaray magaalada Paris kadib markii uu casumaad ka helay Madaxweynaha France.


Hariri ayaa kulan albaabadu u xiran yihiin la yeeshay Madaxweynaha France Emmanuel Macron oo isagu doonaya inuu xal u helo xiisada ka taagan dalka Lubnaan.

Xisbiyada dalka Lubnaan iyo dowlada ayaa aaminsan in Sacuudiga uu ku cadaadiyey Hariri inuu xilka iska casilo kadib markii u diiday inuu dagaal siyaasadeed la galo xisbiga shiicada Xisbullah oo ku jirta dowlada awood qeybsiga ku dhisan ee Lubnaan.

Iscasilaadii Hariri ee horaantii bishan ayaa ahayd mid si weyn loola yaabay oo kadis ah, Hariri ayaa wax yar kadib markii uu safar shaqo u tagay Riyadh caasimada Sacuudiga, kasoo muuqday Telefishinka dowlada Sacuudiga isagoo sheegaya inuu xilka iska casilay.

Xubno ku dhaw dhaw Saad Hariri ayaa warbaahinta horey ugu sheegay in Sacuudiga uu cadaadis xoogleh saaray Raysalwasaarahaasi isla markaana qoraalkii uu ka akhriyey telefishinka Sacuudiga ee iscasilaadiisa uusan xitaa isaga qoran oo ay usoo qortay Dowlada Sacuudiga.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:04 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada