DAAWO:- General Cabdiweli Gorod oo ka hadlay falkii lagu galay guriga Cabdi qeybdiid

DAAWO:- General Cabdiweli Gorod oo ka hadlay falkii lagu galay guriga Cabdi qeybdiid

daajis.com:- Taliyaha Ciidamada Xoogga Soomaaliya General Cabdi wali Gorod ayaa ka hadlay falkii lagu weeraray maanta guriga General Cabdi Qeybdiid.

General Gorod oo gaaray guriga Cabdiqeybdiid ee ay ciidamadu galeen ayaa halkaa kula kulmay Senator Qeybdiid waxana ay ka wadahadleen dhibaatada soo gaartay guriga Senatorka

Taliyaha ayaa ku tilmaamay falkii lagu galay laguna baaray guriga Senatorka fal xun waxana uu sheegay in lala xisaabtami doono ciidankii weerarkaas fuliyay.

Taliyaha ayaa amar ku bixiyay in la soo qabto ciidamada howlgalkaan sameeyay, waxa uuna ku tilmaamay weerar fool xun oo dhaawacaya sumcadda dowladnimada.

Ciidamada galay guriga Senator Cabdi Qeybdiid ayaa la sheegay inay ka tirsan yihiin ciidamo si gaar ah ay u tababartay dowlada Imaaraadka Carabta waxayna ciidamadan weeraray guriga Cabdiqeybdiid ay ahaayeen kuwo wajiga soo duubtay watayna afar baabuurta tiknikada ah.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada