Daawo Sawirada:- Gudoomiye Taabit oo xalay waqti la qaatay ciidamadda ku sugan wadooyinka laga soo galo Muqdisho

Daawo Sawirada:- Gudoomiye Taabit oo xalay waqti la qaatay ciidamadda ku sugan wadooyinka laga soo galo Muqdisho

daajis.com:-  Duqa Muqdisho ayaa xalay waqti fiican la qaatay ciidamadda ku sugan wadooyinka laga soo galo caasimadda isagoo socdaal dheer ku maray daafaha magaaladda, Socdaalka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho waxaa ku wehliyay Xubno ka tirsan Maamulkiisa sida Gudoomiyaasha Degmooyinka Xamar Jajab, Waaberi iyo Hodan.

Goobaha ay tagaan Gudoomiyaha Gobolka iyo Xubnihii la socday ayaa u badnaa halka laga soo galo Magaalada Muqdisho Sida Suuqa Xoolaha, Daaru Salaam, Siinka Dheer, Kaxda, Xoosh iyo Goobo kale.

Gudoomiye Thaabit ayaa Warbaahinta kula hadlay Deegaanka Siinka dheer isagoona la wadaagay waxyaabaha ay ku soo arkeen intii ay ku guda jireen kormeerkooda iyo ujeedka ay ka la haayeenba.

Waxa uuna sheegay in uu la kulmay ciidamo xiliga kala badalka waqtiga ee saqda dhexe u taagan gudashada Waajibaadka saaran, isla markaana uu ku dhacayo Qaboowga Habeenkii.

Ciidamada Amniga ee duleedyada ku sugan ayuu ku tilmaamay in ay isku howleen sugidda amniga, waxa uuna Sheegay in dhawaan uu taalo xusuuseed loo dhisi doono dadkii ku dhintay Qaraxii Soobe ka dhacay 2017-dii.
Sanadkaan ayuu rajeeyey in Soomaaliya ay kasoo kabsato dhibaatooyinkii soo wajahay sanadkii dhamaaday ee 2017-kii, wuxuu qeybinayay gudoomiye Taabit raashin bisil iyo cabitaano.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:01 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada