Maxkamadda ciidamada sida oo maanta la horgeeyay dad loo heesto qaraxii ka dhacay Zoobe.

Maxkamadda ciidamada sida oo maanta la horgeeyay dad loo heesto qaraxii ka dhacay Zoobe.

daajis.com:-Waxaa Maanta Maxkamadda Ciidamada qalabka Sida ee Soomaaliya la horgeeyay 5 nin oo loo heysto Qaraxii 14-kii October- 2017 ka dhacay isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho kaas oo dad badan ay Ku dhinteen kuwa kalana ay Ku dhaawacmeen halka dad badan lagu waayay.

Maxkamadda ayaa la  horgeeyay shanta ruux ee lagu eedeeyay in Qaraxaasi ay ka dambeyeen waxaana qorshuhu uu ahaa in maanta ay bilowdo dhageysiga dacwadda shaqsiyaadkaasi loo heysto.

Gudoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada qalabka Sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur shuute ayaa  idaacadda Kulmiye u xaqiijiyay  in dhageysiga dacwadda dib loo dhigay, islamarkaana Lagu balamay in maalinta Khamiista La bilaabo dhageysiga dacwadooda.

Shaqsiyaadka Maxkamadda la  horgeeyay ayaa Ciidamada amaanka Soomaaliya Gacanta Ku soo dhigeen Maalmo uun ka dib Qaraxii Zoobe.
Dowladda Soomaaliya ayaa balan qaaday in ay cadaaladda marsiin doonto dhamaan dadkii ku lug lahaa Weerarkii ugu xumaa ee Soomaaliya soo mara ee 14-kii October.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:03 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada