MUUQAAL: Madaxwaynaha Ruushka oo Dhabarka ka Jebiyey Trump & Go’aanka QUDUS ee uu Turkiga kaga dhowaaqay

MUUQAAL: Madaxwaynaha Ruushka oo Dhabarka ka Jebiyey Trump & Go’aanka QUDUS ee uu Turkiga kaga dhowaaqay

daajis.com:- Madaxwaynaha dalka Ruushka Putin ayaa sheegay in go’aankii uu Donald Trump magaalada Qudus ugu aqoonsaday caasimada Israa’iil ay tahay mid meesha ka saaraysa wadahadaladii nabadda ee bariga dhexe.

Madaxwaynaha Ruushka ayaa ka hadlayay magaalada Ankara ee caasimada dalka Turkiga.

Mr Putin ayaa kulan la qaatay madaxwaynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan,xilli uu soo gabagabeeyay booqashadiisa bariga dhexe.

Mr Erdogan ayaa sidoo kale cambareeyay go’aanka madaxwayne Trump ,waxa uuna sheegay in Mareykanka ay dhiig gacanta kula jiraan.

Erdogan ayaa ku tilmaamay Israa’iil in ay yihiin argagixiso islamarkana falastiiniyiintii ay askarta Israa’iil dileen ay yihiin Shuhado.


kulanka Erdogan iyo Putin ayaa noqonayo kii 8aad ee ay yeeshaan sanadkan, iyadoona  Xidhiidhka Turkiga iyo Ruushka uu xoogaystay tan iyo wixii ka dambeeyay afgambigii dhicisoobay ee Turkiga ka dhacay sanaddii 2015.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada