MUUQAAL: Madaxwaynaha Ruushka oo Booqasho kedis ah ku tagay Siiriya iyo Amarka uu siiyay Ciidankiisa

MUUQAAL: Madaxwaynaha Ruushka oo Booqasho kedis ah ku tagay Siiriya iyo Amarka uu siiyay Ciidankiisa

daajis.com:- Ruushka ayaa billaabay in uu qaar ka mid ah ciidammadiisa kala baxo dalka Suuriya, sida uu Isniintii shaaciyay wasiirka arrimaha difaaca Sergei Shoigu.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa amray in ciidammadu ay qayb ahaan u baxaan ka dib markii uu booqasho aan la sii shaacinin ku tagay Suuriya Isniintii.

Taageerada Ruushka ayaa muhiim u ahayd in ciidammada dawladda ee Suuriya oo uu hogaaminayo madaxweyne Bashaar Al Asad in ay ku gacan sarrayso dagaalkii sokeeye ee Suuriya.

Putin ayaa ka bixid noocaas oo kale ah ku dhawaaqay sannadkii hore laakiin milatariga Ruushka ayaa sii waday hawlgalladiisa.


Markii la waydiiyay wakhtiga ay ciidammada Ruushka ku qaadan doonto in ay wada baxaan, wuxuu ku jawaabay “waxay ku xirnaan doontaa xaaladda” Suuriya.

Madaxweynaha Ruushka ayaa Bashaar kula kulmay Saldhigga Ruushka ee Hmeimim ee u dhaw Latakia.

Putin ayaa yiri: “Waxaan ku amray wasiirka difaaca iyo taliyaha ciidammada qalabka sida in ay billaabaan in ay ciidamma ka saaraan Suuriya si ay u gaaraan saldhigyadoodii rasmiga ahaa,” 


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:20 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada