Topnews: Dawlada Ingiriiska oo siwayn ugu cadhootay Trump iyo Warbixin lagu Faaqiday Talaabadii uu qaaday

Topnews: Dawlada Ingiriiska oo siwayn ugu cadhootay Trump iyo Warbixin lagu Faaqiday Talaabadii uu qaaday

daajis.com:-Sharci dejiyayaasha Britain ayaa si carro leh uga fal-celiyey dib u faafin uu madaxweyne Trump ku sameeyey Muuqaalo muslim naceyb ah oo uu barta twitter-ka soo dhigay hogaamiyaha koox midigta fog oo British ah, kaasi oo horey loogu helay hadallo naceyb ku dhisan.

Dhowr sharci dejiye ayaa ra’iisul wasaare Therese May ugu baaqay inay joojiso safar shaqo oo la qorsheeyey in Trump uu dabayaaqada sanadkan ku tago dalkaas.

“Xaqiiqdii kani ma ahan saaxiibkeena” Waxaa sidaas yiri sharci dejiye David Lammy oo ka tirsan xisbiga Shaqaalaha, kaasi oo intaas ku daray in madaxweynaha Mareykanka aan laga soo dhoweyn Britain.

Duqa magaalada London, Sadiq Khan ayaa sidoo kale sheegay in ay sii caddaaneyso in Trump aan lagu soo dhoweyn Britain, islamarkaana dad badan ay dhaq dhaqaaqyadiisa twitter-ka u arkaan kuwo dhaawac ku ah xiriirka Britain iyo Mareykanka.


Afhayeen u hadlay Theresa May ayaa sheegay in Trump uu ku qaldanaa inuu tweet gareeyo muuqaalka muslim naceybka ah, islamarkaana dadweynaha Britain aysan ogoleyn fikradaha kooxaha midigta fog.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:09 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada