Dowlada Soomaliya oo Dacwo ka dhan ah Imaaraadka u gudbisay Golaha QM

Dowlada Soomaliya oo Dacwo ka dhan ah Imaaraadka u gudbisay Golaha QM

daajis.com:- Danjiraha Soomaaliya u fadhiya qaramada Midoobay Abuukar Daahir Cismaan ayaa ashtako ka dhan wadanka Isutagga Imaaraadka Carabta u gudbiyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay isagoo sheegay in Imaaraadka Carabta ay ku xadgudubtay qaranimada dalka Soomaaliya.

Danjire Abuukar Baalle oo qudbad u jeediyay golaha ammaanka ayaa ugu horeyntii u mahadceliyay golaha ammaanka iyo madaxweynaha cusub ee golaha ammaanka.

Qudbadiisa oo ka koobneyd saddex bog ayaa waxa uu ku eedeeyay dowlada Imaaraadka Carabta heshiiska ay shirkada DP World la gashay maamulka la magac baxay Somaliland waxana uu sheegay danjiruhu inay tahay xadgudub lagula kacay xornimada iyo madax banaanida dalka Soomaaliya.

“Dowlada Federalka Soomaaliya waxa ay si kulul u cambaareyneysaa xadgudubka lagula kacay waxana ay qaadi doonto wax walba oo ay ku ilaalin karto qaranimadeeda iyo jiritaankeeda.”ayuu yiri danjire Abuukar Baalle.

Qudbadiisa ayuu sidoo kale danijre Abuukar Daahir Cismaan ku sheegay in heshiiska ay Imaaraadka Carabta iyo Maamulka Somaliland ay wadagaleen labo sano kahor taasoo ah in dowlada Imaaraadka Carabta ay saldhig Milatari ka sameysato magaalada Berbera uu xadgudub ku yahay cunoqabataynta saaran dalka Soomaaliya.

Danjire Abuukar Baalle ayaa ugu baaqay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey in tallaabada lagama maarmaanka ah ka qaataan arrinta saldhigga Milateri ee Imaaraadka carabta ka dhisanayo Berbera, taasoo uu xusay inay caqabad ku noqon karto cunqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya.
Sidoo kale Danjire Abuukar Baalle ayaa walaac ka muujiyay khudbadaha Madaxda UNSOM ka jeediyaan shirarka arrimaha siyaasadda, kaasoo uu ku sheegay inay si qaldan uga hadlaan arrimaha Soomaaliya.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:57 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada