DF oo ka jawaabtay hadalkii adkaa ee kasoo yeeray Imaaraadka Carabta

DF oo ka jawaabtay hadalkii adkaa ee kasoo yeeray Imaaraadka Carabta

daajis.com:- Dowlada Somalia ayaa si kulul uga jawaabta qoraal cambaareyn ah oo kasoo baxay Wasarada arrimaha Dibadda dalka isutaga imaaraadka carabta,taa oo daba soctay dhaqaale sifo sharci darro ah loogu qabtay Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Dowlada Somalia ayaa sheegtay in Safiirka Imaaraadka Carabta ee Somalia uu diiday in dhaqaalahaasi la mariyo mishiinka baarista, si loo ogaado waxa ku jiray boorsooyinka oo ahaa lacag la doonaayay in sifo sharci darro ah lagu galiyo magaalada.

Dowladu waxa ay sheegtay in lacagtaasi la doonaayay in la dhexmariyo Garoonka iyadoo aan la hordhigin shaqsiyaadka qaabilsan maamulka Garoonka si loo baaro, balse ay ka bogan doonaan baaritaanka lagu hayo lacagta.

Dowlada Somalia waxa ay difaacday tallaabada ay qaaday waxayna sheegtay in safiirka imaaraadka ee Somalia  uu diiday in boorsooyinkaas la mariyo qalabka baaritaanka iyaga oo aan la furin, taasina ay dhalisay shaki badan.

Sidoo kale, Sarkaal ka tirsan dowlada, gaar ahaan Hay’adaha amniga qeybta Garoonka Aadan Cadde, ayaa sheegay in boorsooyinka uu waday Safiirka Imaaraadka aanu ahayn kuwo diplomaasiyeed, balse la doonaayo in dhan diplumaasiyadeed loo weeciyo, taana aysan suuragal aheyn.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka Carabta ayaa war saxaafadeed ay soo saartay waxay ku sheegtay in ciidamada amnigu ee Soomaalidu ay qoryo ku qabteen dadkii diyaaradda saarnaa isla markaana ay kala wareegeen $9 milyan iyo 600 kun oo dollar.

Wasaaradu waxay ku tilmaantay tallaabadaasi mid sharci-darro ah oo xadgudub ku ah shuruucda caalamka.

Dowlada Imaaraadka ayaa sidoo kale sheegay in talaabada ay qaaday dowlada Somalia ay jebinayso  is afgarad ay horey u gaareen Somalia iyo Imaaraadka sannadkii 2014-ka.
Si kastaba ha ahaatee, Dowlada Somalia ayaa ku adkeysaneysa in dhaqaalaha lagu qabtay Safiirka Imaaraadka ee Somalia lagu sameynaayo baaritaan dhab ah.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:36 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada