Daawo Sawirada:- Ciidamo katirsan booliiska Somalia oo tababar loogu soo xiray Jabuuti

Daawo Sawirada:- Ciidamo katirsan booliiska Somalia oo tababar loogu soo xiray Jabuuti

daajis.com:- Ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya ayaa tababar mudo sadex bilood ah socday waxaa loogu soo xiray dalka Jabuuti, waxaana munaasabada xiritaanka tababarkan ka qeyb galay saraakiil katirsan ciidanka booliiska.

Taliyaha Hoggaanka Baarista dambiyada ee C.I.D oo ka qeyb galay munaasabada tababarka loogu soo xirayay ciidanka booliiska ayaa uga mahad celiyay dowlada Jabuuti taageerada ay siiso ciidanka booliiska Soomaaliyeed.

Ciidamadan booliiska Soomaaliya katirsan ee tababarka loo soo xiray ayaa soo bandhigay gaardo ka ciyaar , waxaana goobta gaardo ka ciyaarka ciidanka kusoo bandhigayeen ku sugnaa saraakiil iyo masuuliyiin katirsan dowlada Jabuuti.

Dalka Jabuuti ayaa kamid ah dalalka sida weyn uga taageera dowlada Soomaaliya tababarida ciidanka gaar ahaan booliiska, waxaana horey dalkaasi loogu soo tababaray saraakiil iyo ciidamo badan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:29 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada