Soomaaliya oo loogu baaqay in Isbedel deg deh ah ku sameyso ciidankeeda

Soomaaliya oo loogu baaqay in Isbedel deg deh ah ku sameyso ciidankeeda

daajis.com:- Dalalka deeq bixiyayaasha caalamka ee taageera dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqday dowlada in ay dedejiso isbadalka ay ku sameeneyso ciidamadeeda amaanka kana dhigto kuwa awood u leh in Al Shabaab dalka ka saari kara.

Wakaalada Wararka  ee Reuters ayaa qortay in dalalka Deeq bixiyaasha caalamka in Soomaaliya ugu baaqday in ciidamadeeda isbadal muuqda oo deg deg ah ku sameyso kadib shir ka dhacay magaalada Brusless.

Shir madaxeedka Brussels ayaa ku boorinaya dowladda Soomaaliya inay si deg deg ah uga shaqeyso wax ka qabashada arrimaha lagu cayimay warbixintii sanadkii tagey ay soo saareen dowladda, Qaramada  Midoobay iyo Midowga Afrika.

Warbixintaas ayaa ciidamada xoogga Soomaaliyeed ku sheegtay “kuwa jilicsan oo leh talis iyo maamul tabar darran”, waxaana ay timid ayada oo ciidamada Amisom ay isku diyaarinayaan inay Soomaaliya ka baxaan sanadda 2020, amniga dalkana ku wareejiyaan kuwa Soomaalida.
Dadka Siyaasada Falanqeeya ayaa aaminsan hadii Ciidamada AMISOM ka baxaan Soomaaliya iyada oon la dhisin ciidan xoogan oo tayo leh in awooda Al Shabaab ay dib usoo laaban karto.

Deeq bixiyayaasha ayaa sheegay in loo baahan yahay in ciidamada Soomaalida lagu diiwaan geliyo habka faraha la iska qaado, loona sameeyo mushaar bixin ku dhisan habka elektorooniga.

Hay’adda lacaga adduunka ee IMF ayaa ka shaqeyneysay in la sameeyo hab maamul wanaagsan oo maaliyaded, waxayna qirtay in dowladda Soomaaliya ay sameyneyso isbeddelo la isku raacay oo dusha lagala socdo.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:14 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada