Dowlada Dhaxe oo war kasoo saartay Doorashada koonfur Galbeed

Dowlada Dhaxe oo war kasoo saartay Doorashada koonfur Galbeed

daajis.com:- Xilli Xaalad Siyaasadeed oo adag ay ka jirto Magaalada Baydhabo ayaa arintaasi, waxaa goor dhow war kasoo saartay Wasaaraddda Arrimaha Gudaha Soomaaliya.

Warka kasoo baxay Wasaaraddda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa siddaan u qornaa:

Wasaaradda A/Gudaha “Doorashada dowlad goboleedka K/Galbeed waa inay ku qabsoonto xilliggii loo asteeyey oo ah 17ka November 2018ka”

Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta iyadoo gudanaysa waajibaadkeeda dastuuriga ah waxay faraysaa madaxda Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed ee Soomaaliya in doorashada dowlad goboleedka ay qabsoonto xilliggii loo asteeyey oo ah 17ka November 2018ka.

Muddada xilhanyta maamulka hadda ka jira koofur galbeed waxay ku egtahay 17ka November lamana aqbali doono in ay dib uga dhacdo.

Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta waxay ku dhiirri gelinaysaa guddoonka iyo xildhibaannada baarlamaanka Koonfur Galbeed in iyagoo gudanaaya waajibaadkooda dastuuriga ah ay si daahfuranna u qabtaan doorashada Madaxwaynaha Dowlad Gobaleedka waqtiga loo asteeyey ee kor ku xusan iyadoo la ilaalinayo xasiloonida iyo deganaashaha Koofur Galbeed.

Dhammaad

Shalay ayey haeyd marii Guddoomiyihii Guddiga Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, ku-xigeenkiisii iyo inta badan xubnihii guddigaas ay iska casilay xilka ka dib shir jaraaid oo ay caawa ku qabteen magaalada Baydhabo.

Guddoomiyaha Guddiga Carfo Ibraahim Aadan is casilaadan lagu micneeyay inay ka dambeysay cabasho ku saabsan faragelin lagu hayo doorashada Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed oo loo qorsheeyay inay dhacdo 17-ka bishan Novembar.
Guddiga doorashooyinka Koonfur galbeed oo ka koobnaa 27 xubnood ayaa iscasilay ugu yaraan 15 ka mid ah oo ay ku jiraan guddoomiyaha guddiga iyo ku-xigeenkiisii.



_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:32 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada