War Deg Deg ah NISA oo shaacisay in la dilay Ikraan Tahliil Faarax

War Deg Deg ah NISA oo shaacisay in la dilay Ikraan Tahliil Faarax

daajis.com:- Hay’adda Nabad-Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa xaqiijisay in Ikraan Tahliil Faarax oo aheyd gabar ka tirsan hay’adda ay u gacan gashay Al-Shabaab, kadibna la dilay.

Ikraan Tahliil Faarax oo ahayd xubin ka tirsan Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-Sugidda Qaranka (HSNQ) ayaa warkeeda la waysanaa ilaa June 26 2021, markaasi oo xilli habeen ah lagu watay baabuur ka qaaday gurigeeda Muqdisho.

Qoraalka ay baahisay warbaahinta dowladda ayaa lagu yiri “HSNQ dabagal ay samaysay oo muddo socday kadib, ayaa lagu helay warbixin mujinaysa in ay u gacan gashay argagixisada arxan laawayaasha ah ee Al-Shabaab, kadibna ay dileen.”

Qoraalka ayaa intaas ku daray “Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-Sugidda Qaranka ayaa gal-baariseedka kiiska Ikraan oo faah-faahsan ku wareejisay hay’adaha ay khuseyso. Waxaa sidoo kale ay Hay’adda Sirdoonka Qaranku la wadaagtay warbixintan qoyskeeda.”

NISA ayaa sheegtay inay ku daba jirto dhagar-qabayaashii geystay falkaas arxan darrada ah, ayna sharciga hor keeni doonto.


Ma jirto cid si madax-banaan u xaqiijin karta warka kasoo baxay NISA. Sidoo kale kooxda Al-Shabaab ayaa iyana weli wax war ah kasoo saarin eeddan loo jeediyey ee la xiriirta dilka Ikraan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:17 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada