11 Maroodi oo Lagu Dilay Kenya.

11 Maroodi oo Lagu Dilay Kenya.

11 maroodi ayaa lagu laayay dalka Kenya, iyadoo dilkaasi ay ka danbeeyeen koox ugaarsato sharci-darro ah oo maroodiyaashaasi kala baxay foolashoodii.

Saraakiil Kenyan ah ayaa sheegay inay heleen raqda 11 maroodi oo ay ka heleen beerta xayawaannada lagu ilaaliyo ee Tsavo East.

11-ka Maroodi ayaa la rumeysan yahay in la toogtay kadibna foolasha lagala baxay, saraakiishu waxay sheegeen in dilkani uu dhacay Sabtidii.

Hay'adda duur-joogta qaabilsan ee Kenya ayaa sheegay inuu kor u kacay rabitaanka iyo baahida loo qabo foolka maroodiga ee dhinaca qaarada Asia, taasoo sababtay in ugaarsashada maroodiga Afrika uu sii kordho.

Afhayeenka hay'adda ayaa VOA u sheegay in ugaarsiga sharci-darrada ah ee maroodigu ay markii hore meello gaar ah ka dhici jireen balse imika ay ka socdaan dhammaan qeybaha kale duwan ee Kenya.
_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:44 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada