Xildhibaanno walaac ka muujiyay dardaaran kasoo yeeray Madaxweynaha iyo gudoomiyaha Baarlamaanka.

Xildhibaanno walaac ka muujiyay dardaaran kasoo yeeray Madaxweynaha iyo gudoomiyaha Baarlamaanka.


Iyada oo xiritaankii kalfadhiga 1-waad ee baarlamaanka Soomaaliya oo maalin kahor lagu soo afmeeray fadhi Baarlamaanku ay yeesheen xaadirna uu ka ahaa madaxweynaha Soomaaliya hadallo dar daaran ah loogu jeediyay mudanyaasha baarlamaanka ayaa waxaa soo baxaya walaac arintaasi laga bixinayo.

Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud ayaa xildhibaanada Soomaaliyeed ee fasaxa gelaya ku dhiirri geliyay in ay ku laabtaan deegaanada ay ku noolyihiin qoysaska ay metelaan kana soo dhaadhiciyaan habka federalism-ka oo ah saldhigga Dowlada Soomaaliya.

Maxamed Ismaan Jawaari, oo isna ah gudoonka baarlamaanka ayaa waxa uu si taa lamid ah xildhibaanada baarlamaanka u faray in ay qoomiyadaha ay metelaan ay dhex tagaan oo ay soo kormeeraan baahiyaha ay qabaan iyo sida wax looga qaban karo.

Labadaan dardaaran oo dhamaan isaga mid ah in latago deegaanada loo dhashay ayaa waxa ay yihiin kuwa aysan soo dhaweyneyn xildhibaanada qaar oo aan cag dhigi Karin deegaanada ay metelaan sababo kala duwan.

Qaar kamid ah xildhibaanadaasi dadka ay metelaan goobaha ay ku noolyihiin mategi karaan sababo laxariira iyaga oo aan laga jecleyn, waxaana goobahaasi kamid ah maamulka lamagac baxay Somaliland oo mudanayaasha kasoo jeeeda aysan tegi Karin.

Waxaa kale oo jira xildhibaanno deegaanadooda wali ay maamulaan Shabaab oo iyana meel ay u dhaqaaqaan aan heysan.

Mudanayaashaan qaarkood waxa ay lahadlayeen warbaahinta iyaga oo dardaaranka lasiiyay oo ay jeclaa lahaayen in ay fuliyaan uu iyaga xilligaan suura gal uusan u aheyn.


Xigasho:allbanaadir.

_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:14 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada