Keyna oo bedeleysa Siyaasadeedii kuwajahneed Soomaaliya, (Qaabkee loo bedelayaa?)

Keyna oo bedeleysa Siyaasadeedii kuwajahneed Soomaaliya, (Qaabkee loo bedelayaa?)


Siyaad Maxamuud Shire oo ah qunsulka safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa waxa uu sheegay in dowlada Kenya ay soo magacaawday safiir u qaabishan Soomaaliya, kaas oo lafilayo in uu dhawaan soo gaaro Muqdisho.

Shire ayaa waxa uu yiri, “Dowlada Kenya safaarad ayeey ka furaneysaa Muqdisho, Safiirkii ka sahqeyn lahaa waa la magacaabay, Muqdisho ayuu dhawaan ka degayaa, madaxweynaha Soomaaliya ayuu u geynayaa warqadihiisa safiirnimo, waxaana bilaabanaya waji cusub oo siyaasadeed kaas oo ka dhexeyn doona Soomaaliya iyo Kenya”.

Dowlada Kenaya ayaa waxa ay dalkeeda ku marti geli jirtay xafiisyada hey’adaha kasocda aduunyada daafaheeda ku waas oo kushaqada leh arimaha Soomaaliya, diyaarna uma aheyn in ay safaarada Soomaaliya kafurato, hasa yeeshee xilligaan ayeey qasab ku noqtay maadaama waxyaaba badan ay uga xirnaan karaan Soomaaliya loona baahanyahay in safaaradu xaliso.

Kenya dalka Soomaaliya waxa ay soo gelisaa qaad aad u fara badan oo hoos u dhiagy dhaqaalaha Soomaaliya, waxaana lafilayaa in dowlada Soomaaliya ee madaxweynaha uu kayahay Xassan Sheekh Maxamuud ay go’aan kasoo saarto haba soo daahee maadaama waxyaabaha ay balan qaaday dowladu ay kamid yihiin kobaca dhaqaalaha dalka, qaadkuna uu yahay dhaqaale ladirir.

Safiirkaan ay Kenya u soo diraneyso Soomaaliya ayaa lafilayaa in arinta ugu weyn ee soo diristiisa xilligaan ku soo beegtay ay tahay cabsi xooggan oo Kenya ay ka qabto in caleenta qoyan ee dalkeenna ay keento lajoojiyo iyagu halkaasi ay dhaqaalo badan ku waayaan.

Si kastaba, dowlada Kenya oo dan badan ku qabtay burburka Soomaaliya ayaa waxa ay safiirkeeda soo direysaa iyada oo ay katahay “kuqabato waa laqaataa”.




_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:20 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada