Faroole oo lasoo baxay kaarto qarniyadii 19-aad iyo 20-aad lagu dhaqmi jiray (War bixin).

Faroole oo lasoo baxay kaarto qarniyadii 19-aad iyo 20-aad lagu dhaqmi jiray (War bixin).


Hogaamiyaha farqaha laheesto ee maamulka Puntiland Cabdi Raxmaan Sheekh Maxamed (Faroole) ayaa waxa uu xilligaan lasoo baxay hab maamuleedkii qarniyadii 19-aad iyo 20-aad.

Qarniyadii 19-aad iyo 20-aad hababkii aduunyada looga dhaqmi jiray waxa ay u badnaayeen kaligii talisnimo oo cidii talada heshaahi ay isku dhejen jirtay, arintaasi oo aduunyadaan casriga ah sii yaraatay ooba ladhihi karo dhamaad ayeey qarka u saarantahay.

Faroole oo afar sano kahor talada Puntiland ku yimid doorasho ayaa waxa uu markii ay kusoo dhawaatay dhamaakii waqtigii loo qabtay waxa uu ku fikiray in uu waqtiga dheereesto isaga oo si tijaaba ah sanad ugu darsaday si hadii ay u meel marto uu inta uu doono u kobacsado.

Siyaasiyiinta isu diyaarinayay in ay ka qeyb qaataan tartanka doorashada madaxtinimo ayaa waxa inta badan horay ugu hanjabeen in isbedel amaan darro uu dhici karo hadii Faroole uu ku adkeesto in uu xilka sii hayo.

Qaar kamid ah siyaasiyiintaasi ayaa hada waxa ay sheegayaan in arintaan uu Faroole sameeyay ee ah ku dhaqanka kalighii talisnimada ay bilaaw ka tahay maamul uu doonayo Faroole in uu sii hayo inta uu socan karo kadibna uu ilmihiisa kula warejinayo.

Mucaaradka Puntiland qarkood waxa ay sheegen in ay uga dhawaaqeen Qardho gole ka shaqeynaya danaha Puntiland maadaama iyagu aysan u aqoonsaneyn Faroole in uu madaxweyne yahay.

Cabdi Raxmaan Maxamed Gablax, oo kamid ah siyaasiyiinta diidan Faroole ayaa yiri, “ Inagu ma aqoonsanin xukuumad shaqeyneysa, sideedii bishaan ayuu ku ekaa xilkiisu laakiin waxaa jira gole lagu bad baadinayo Puntiland oo soo dhisi doono dowlad xaq ah”.

Waxa uu intaa sii raaciyay in uu Faroole adeegsado ciidamo Shisheeye oo calooshood u shaqestayaal ah kuwaas oo xilligaan ku sugan qeybo kamid ah deegaanada Puntiland.

Faroole Shalay ayaa loo caleema saaray sanadka cusub ee uu kororsaday, waxa uuna ku celceliyaa in uusan wax kororsan taas oo cid waliba layaabi karto maadaama ruux shaqadiisii socoto caleema saar aan u baahneyn.


W/Q: Brown Nasri

_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:26 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada