Daawo Sawirada Gabar Tareen Iska Soo Tuurtay Si Ay Kaga Badbaadi Kusfi Lala Damacsanaa.

Daawo Sawirada Gabar Tareen Iska Soo Tuurtay Si Ay Kaga Badbaadi Kusfi Lala Damacsanaa.

Gabar u dhalatay wadanka Hindiya ayaa la kufsaday haatana ku jirta cisbitaal taaso Xaaladeeda caafimaad laga soo dayranayo.


Gabadhaan oo ah 25 jir ayaa lasheegay inay iska soo tuurtay tareen soconaya si ay uga badbaado nin askari ah oo soo weeraray oo doonayay inuu kufsado.

Tareenka ay gabadhu saarnayd ayaa u socday magaalada New Delhi isagoo ka yimid degmada Darjeeling ee wadankaasi Hindiya. Dhaawac halis ah ayaa la sheegay inuu kasoo gaaray madaxa iyo lugaha.

Gabadhaan oo ah hooyo dhashay 2 caruur ah ayaa haatan ku sugan cisbitaal kalkaaso lagu dabiibayo xaaladeeda caafimaad.

Ninkii gabadhaan soo weeraray ayaa gacanta lagu soo dhigay lana xukumay.



Arinkaan ayaa yimid asbuuc ka dib markii faal noocaan oo kale ah uu ka dhacay isla wadankaasi Hindiya kaaso ahaa in gabar arday ah si xun loo jir dilay lana kufsaday kadib ay geeriyootay dhawac soo gaaray.

Arday Aad U fara badan ayaa mudaaharaadyo kala duwan ka sameeyay magalooyin badan oo ka tirsan dalka India kuwaasi oo looga soo horjeeday kufsi maalmahan kusoo badanaye wadankaasi.



_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:57 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada